WAJAALE NEWS

Waanu soo dhaweynaynaa buuga la soo wado ee la magac bixi doona (Qalooc iyo Qarsoodi) kuna saabsanaan doona dhacdooyinkiii JSL mudooyinkii 2010-2017

Buugani wuxuu noqon doonaa Laba majale, kaas oo la magac bixi doona ” Qalooc iyo Qarsoodi ” Buugani wuxuu diirada saari doonaa dhamaan dheefihii iyo dhiilooyinkii dalka ka dhacay mudo xileedkii Xukuumadii hore ee kulmiye dalka hagaysay oo aheyd taariikhdii ( 26/6/ 2010 – 13/11/2017) . Buugani wuxuu Toojka ku ifin doonaa ummaddana u soo bandhigi doonaa marxaladihii ay soo martay Caqiidadii siyaasadeed ee Xisbiga kulmiye dalka ku qabsaday iyo curyaamintii Geedi-socodkii dimuqraadiyadeed ee Somaalilaan, Kuy’e Buugan majaladiisa koowaad wuxuu kuu kala haadin doona, kuna hufi doonaa cutubyadiisa kala duwan qodobadan hoos ku taxan :

1- Musuq-maasuqii iyo maalurursigii lagu sameeyey maareyntii maganta,moorada iyo midhihii dawladnimo, waxaana uu buugani gol-jilicda ka yara gujin doonaa Khaayimiintii awooda dawladnimo helay ee ku tagri falay hantidii ummadda, jileyaashii qarsoonaa iyo gafeneyaashii ku dhegay naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa.

2- Buugu wuxuu qodobeyn doonaa si wax looga barto Cadaalad daradii iyo ceebihii dhacay, dhacdooyinkii maareyntooda lagu fashilmay iyo dhiilooyinkii dhabta ahaa ee dalka ka dhacay mudadaas. Boobkii dhulkii danta guud iyo siyaabihii loogu tagri falay hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ummaddu wada laheyd

3- Buugu wuxuu iftiimin doonaa hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada JSL, ma hadhooyinkii iyo raadadkii foosha xumaa ee doogta iyo diifta lahaa ee dadka iyo dalkaba ku reebay qabyaaladan duluca furatay ee maanta dalka ku bacrintay.

4- Buugani Wuxuu halbeeg iyo cabir saari doona dhaawicii iyo dhiig bixii gaadhay magacsamaantii dawladnimada Somaalilaan oo maanta weetaysan.

5- Buugani wuxuu bayaamin doonaa caro-qaad kii shir beeleedyada iyo soo bacrimintii qabyaaladan duluca furatay ee ku saleysan is-xulafeysiga la magac baxay Jeegaanta malaasan.

6- Buugu wuxu duri doonaa Siyaasad xumadii Jeegaameysneyd ee soo ifbaxday doorashada dabadeed taas oo dalka ku reebtay Colaado Siyaasadeed, Cadaawe degamsan iyo isu jabhadeynta maanta dalka ka bilaabantay.

7- Buugu wuxuu soohi doonaa xagal daacii ku dhacay Dimuqraadiyadii JSL ee aanu Kulmiye weelkeeda sii tolin, laakiin uu curyaamiyey kuna fashilmay waajibaadkii ka saarnaa geedi socodkii iyo hanaankii dimuqraadiyeed ee lagu taamayey mudada dheer.” Sida doorashooyinka wada mudo dhaafay ee waqtigooda lagu qaban waayey.”

8- Buugu wuxuu hoga tusaaleyn doonaa dagaalkii qaawanaa ee Jamaal Ali Xuseen lagaga reebay Musharaxnimadii uu xaqa u lahaa ee uu ka sharaxnaa Xisbiga Ucid.

9- Buugu wuxuu bayaamin doona mudo kordhintii la caadeystay iyo khiyaamooyinkii ku gedaamnaa Doorashadii Madaxtooyada ee 2017 ee la qabyaaladeeyey taas oo ay ummaddu wada daalacatay doorashadii madaxtooyada in aan marna xisbi loo codeyn ee qolada loo codeeyey. qaanuunkii dhisme siyaasadeedkii dimuqraadiga ahaana loo bedelay qabiil, codkii muwaadinka xorta ahaana la isireeyey oo qabiil uu la tegay muskiisii iyo miscirirtii uu rabay, arintana waxaa markhaati iyo marag kuugu filan doorashadii ugu danbeysay ee dalka ka dhacday.

10- Wuxuu buugu caadka iyo ciirada saaran ka qaadi doonaa Qarada Siyaasadeed iyo jiritaanka qaanuunada qabyaaladeysan ee Xisbiyada Somalilaan, gaar ahaan xisbiga kulmiye : Waxaa la wada ogsoon yahay in “Cod doorasho oo qabaa’il ku xulofoobaan ay ka dhigan tahay, in dadka intiisa kale ganafka la geliyo si aanay weligood kuriga u haleelin oo aanay wadanka madax uga noqon iyada oo adeegsanaayo qabyaalad qaawan.

11-Buugu wuxuu daaha ka feydi doonaa Malaayiinkii doolar ee lagu lunsaday Mashaariicda Biyo gelinta Caasimada Hargeisa, Sahaminta macdanta iyo shidaalka dalka, xaqulqalinkii, la qaybsaday, qasriyadii iyo sheerarkii la dhaafsaday wereejinta Dekeda Berbera, Saldhiga Ciidamada ee Berbera iyo Madaarkii Berbera.

12- Buugu wuxuu bayaamin doonaa Qaloocii galay Qorshe howleedyadii horumarinta iyo higsiga qaranka ee ku mudaysnaa 2012 – 2016 iyo mashaariicdii maamul daadejinta ee Dawladaha hoose ee la magac baxay GPLJ ( Joint programmes ) ku waas oo wada hagaasay oo fadhiid noqday.

13- Buugani isaga oo bud-dhig iyo baleysin uga dhigaaya Cadaalad daradii iyo Ceebihii dalka ka dhacay wuxuu ummadda u soo bandhigi doonaa caaqidadihii Siyaasadeed ee xukuumadii hore ee kulmiye in ay ku saleysneyd oo keliya hab-dhaqanka Xulafeysan ( Clan politics ) iyo jifooyin qabiil si loo jumladeysto dhamaan joharadii ummaddu wada laheyd oo dhan.

14-Buugani wuxuu lafaguris hufan, xigasho iyo xog koobid ku eegi doonaa hababkii qalooca iyo qarsoodiga ahaa ee lagu qaybiyey deeqihii debedaha sida kuwii waxbarashada iyo mashaariicdii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka sida Caafimaadka, biyaha, beeraha, iyo tamartaba.

15- Buugani isaga oo markhaati iyo maragyo soo qaadanaya wuxuu daaha ka feydi doonaa qusumkii iyo qoontii lagu qaybsaday mansabka, maganta, moorada iyo dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka oo dhan ee wax ka tari lahaa korodhka dhaqaalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

16- Buugani wuxuu ururin doonaa, keydina doonaa oo weeleyn doonaa wixii ina soo maray dhib iyo dheefba si ay dhaxal iyo dhito inoogu noqoto.

17- Buugani waxaa uu argagax iyo oofwareen ku ridi doonaa inta runta iyo xaqa daboosha sida jileyaashii qarsoonaa ee dalka dhacay.

18- Buugan lama yool habaabin karo waana dhab in uu gagabin doono intii doobin jirtay ee ku dibirtay xaq-daradda iyo xoolihii ummadda baahan

19- Buugani wuxuu qiimeyn iyo saadaalin buuxda ku sameyn doonaa Caqiidada Siyaasadeed ee Kulmiyaha cusub laga filanaayo sanadaha soo socda.

20- Summadda Buugu waxay noqon doontaa ( Dab liq -ISBN -10-17 )

Waxaan Saaxiibkay Mr A. Omar ku hambalyeynayaa Buugan oo uu soo bandhigi doono dhawaan sanadkan gudihiisa.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)

Qalinkii : A/rahman Fidhinle

Qoraa Madax-banaan

Intensive ED BD PA

United kingdom

Exit mobile version