WAJAALE NEWS

Soomaalida Itoobiya oo Ka Dibadbaxay Shacab Laga Laayay (Sawirro)

Jigjiga (WJN)- Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isagu soo baxay boqolaal dadweyne kuwaasoo ka banaanbaxay dhib ay sheegeen in lagu hayo Soomaalida ku  nool dhulka hoostaga Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Shacabka Soomaalida ee ku nool Maamulka Qawmiyadda Canfar ayaa cabudhin iyo gumaad kala kulmay Ciidamadda Liyuu Police ee Maamulkaas.

Ciidamaddaas Liyuu Police ee Ismaamulka Canfarta ayaa waxay dad badan ku dileen Magaalooyinka Cadayti, Cundhufo, Garba Ciise, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkaasi oo banaanbaxa ka qeyb galay.

“Shacabka waxay aad uga cadhaysnaanayeen in Ciidamadda Federal oo ka agdhowaa meelaha dadka lagu laayey ayna waxba u qabanin dadkii dhibka loogaystay. Waxayna Ciidamada ugu baaqeen in ay dhowraan Xuquuqda Aadanaha, Fuliyaana waajibaadka Dastuurka kaasoo amraya in Ciidamada Federalka ilaaliyaan Amniga dadweynaha” ayay yidhaahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha.

Shacabka banaanbaxay ayaa waxay ugu baaqeen Maamulka deegaanka Soomaalida iyo waliba shacabka Soomaalida in ay caawimaad u fidiyaan Soomaalida lagu laayey ismaamulka Canfarta.

Ugu dambayntii,  Shacabka banaanbaxayey waxay dawladda Federalka Itoobiya ka dalbadeen in ay ilaaliso Dastuurka, siddoo kalena gudi dhexdhexaada arinka u magacowdo si arinka xal looga gaadho.

 

WAJAALENEWS DESK

JIGJIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version