WAJAALE NEWS

“Qofka Kalsoonidu Ku Yar Tahay Waa Bilaa Dookh, Kolba Tobanka Qof Ee Uu La Joogaa Waxay Jecel Yihiin Ayuu Jecel Yahay”Abwaan Weedhsame.

HARGAYSA(W,N) Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamida hal abuurka gayiga Somaliland ayaa ka hadlay dhibaatada kalsooni daradu ku hayso bulshada qaarkood isagoo xusay sida ay u curduduubtay aragtidooda iyo saamaynta ay Ku hayso raali galinta hadba dadka ay la joogaan iyo cabsida ay ka qabaan hadba talaabooyinka ay qaadayaan,

Abwaan weedhsame ayaa qoraal kooban oo amuurahaasi kaga hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Dadka kalsoonidu Ku Yar Tahay Waxay Maalin Iyo Habeen Ku Hawllan Yihiin In ay Ra’yigooda Ku Raalli-geliyaan Dadka. Tallaabo kasta Oo ay qaadayaan, Waxay is weydiiyaan Siday Dadku u arki Doonaan? Maxay odhan Doonaan? Miyey Kugu Saluugi Doonaan?

Qofka kalsoonidu ku yar tahay waa bilaa dookh. Kolba tobanka qof ee uu la joogaa waxay jecel yihiin ayuu jecel yahay, waxay neceb yihiinna wuu neceb yahay. Qofka kalsoonidu ku yar tahay Qiyam sugan oo u dhawro ma leh. Waxa isaga la xun ee uu ka Qashaafo haddii loo bato in la xalaashado kama istaago ee Cidhifkiisuu qabsadaa. Bir-ma-geydo uu dhawri jiray ayuu Xadkeeda si fudud uga gudbaa, isagoo raalli gelinaya bashar la mid ah.

Qofka Kalsoonidu ku Yar Tahay, Kuma Dhiirran karo Inu Soo Bandhigo Aragti ka Hor Imanaysa Sida loo Badan Yahay, codkiisana kor uma qaadi karo xataa hadduu qur’aan rabbi daliishanayo.

Kolba kooxda uu la joogaa codkay raalida ka tahay ayuu ku hadlaa, caynkay raalida ka tahayna wuu u dhaqmaa.

 

Aragtidii; Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Exit mobile version