WAJAALE NEWS

Garsoorka iyo muhiimada uu u leeyahay Qaranka

Garsoorka  Somaliland  sida aynu wada ognahay waa udub dhexaadka qaranka Somaliland waxay had iyo jeer inoo hayaan hawlo adag oo ah 3000000 oo qof ayey ku jiraan kala hagooda Waxay qaranka u hayaan hawl aad u adag oo dhibkeeda leh waxay qaranka u maraan dhib iyo dhibaato hadana way ku niyad sanyihiin hawlahaas ay hayaan isla markaana ku kalsoonyihiin hawlahaas ay hayaan madama ay umadooda u shaqaynayaan, xukuumada uu hogaaminayo muuse biixi abdi waxaa uu inbadan ka hadli jiray inuu sharcigu shaqayn doono, isla markaana shaqaalaha garsoorka oo ay ugu horeeyan garsoorayaashu nolol ku filan helidoonan xaq iyo xuquuna ka helidoonaan xukuumada uu hogaamiyo, hadana iyagoo shaqadaas muhiim ah u haya dadwaynaha Somaliland wax xaq ah malaha,  hadiiba  maalin uu ka tago shaqada uu qaranka u hayo, taasina waa mid aan u qalmin.

Garsoorku waxay taaganyihiin halka uu ninka wasiirka ah iyo ninka xildhibaanka ahi uu u taganyahay qaranka hadana wasiirada iyo xildhibaanadu ka nolol wanagsanyihiin ninka garsooraha ah iyagoo aan waxba ugu filnayn bulshada  balse ninka garsooraha ahi hadh iyo habeen u heelan kala saarida bulshada, maalina fasax magalaan todobaadkii  halka wasiirada iyo xildhibaanadu ay ku tamashleeyaan hotelada ugu qalisan  wadanka, hadana ninka garsooraha ahi malina fasax magalo.

Hadaba waxaa xukuumada madaxwayne muuse looga fadhiyaa inay  hoos u eegto nolosha garsoorayaasha oo ay damaanad qaado dhamaan baahyaha garsooraha xaqna la siiyo hadii uu katago shaqada iyo hadii kalaba maadama uu shaqada uu hayaa ay tahay mid aan malin laga maarmayn,  hadii garsoorayashu malin soo shaqo tagi waayaan dadka oo dhan ayaa qoorta isla galaya, sidaa awgeed waxaan madaxwayanaha usoo jeedinayaa in hoos loo eego garsoorayaasha iyo xuquuqda ay ku leeyihiin qaranka

 

 

Waa qalinkii Mubaarig Ahmed Faarah

Exit mobile version