WAJAALE NEWS

Dibadbaxyo lagu tageerayo Al Bashiir oo ka dhacay Khartuum

KhartuUm (WJN)- Dibadbaxyo lagu taageerayay madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Dibadbaxa ay kasoo qeyb galeen boqolaal qof waxaa soo qabanqaabiyay xisbiga ka taliya dalkaasi.

Telefishinka dowladda Suudaan ayaa baahiyay sawirrada dibadbaxyada ka dhacay fagaaraha Green square, dadku waxay siteen calanka Suudaan si ay midnimo u muujiyaan.

Dhanka kale, dibadabaxyo kale oo looga soo horjeedo dowladda Suudaan ayaa maanta la filayaa in lagu qabto agagaarka baarlamaanka dalkaasi.

Exit mobile version