Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska oo ilkaheeda oo dhan iska saartay ayaa maalmo kaddib dhaawaci ilka bixinta u geeriyootay.
Haweeneyda oo lagu magacaabo Rachel Jonson maadaama ay ilkaheeda oo dhan ay meel isugu soo uruureen waxay dhakhaatiirta ilkaha ka codsatay iney ilkaha oo dhan ka saaraan si ay ilka kale oo hagaagsan oo dad samee ah looga geliyo.
Dhakhaatiirti ilkaha ee ilkaha oo dhan ka saartay haweeneyda waxay qalliinka kaddib u sheegeen iney gurigeeda tagto marka ay soo nasato oo ay dhaawaca ka soo bogsato howsha xigta ee ilka gelinta la galayo.
Hase yeeshee,haweeneyda maalin kaddib waxay gashay xaalad adag iyada oo maalmihi u dambeeyey noolasheeda ku jirtay xaalad u dhaxeysa geeri iyo noolal.
Ugu dambeyntina maalmo kaddib dhaawaci ayey Ms Rachel Jonson u geeriyootay.
Qoysas kale oo ku nool deegaanka ay Ms Rachel ku nooleyd ayaa waxay sheegeen iney dhacdooyin dhawr oo noocan ah ay hore ula kulmeen oo ay arkeen qof u tagay inuu ilig iska soo saaro misana ilkaha oo dhan laga bixiyey inkasta oo ay kuwaasi ilka bixinta u dhimanin oo ay nool yihiin.
Qoyska Rachel waxay ku doodayaan iney iyagu dalbanin in gabadhooda ilkaha oo dhan laga bixiyo,maadaama ay tahay gabadha maskaxda wax ka qabta oo aan keligeed go’aan qaadan karin.
Hay’adda Ingiriiska u qaabilsan daryeelka caafimaadka bulshada ayaa sheegtay iney baadheyso dhakhaatiirta gabadha dhimatay ilkaha ka saaray iyaga oo aan fasax ka haysanin qoyska Rachel iney ilkaha saareen iyo in kale. Baadhitaanka kaddibna wixii tallaabba oo sharci ah laga qaadan doono.