WAJAALE NEWS

Taliyaha Laanta Socdaalka Jsl Oo Qaaday Talaabooyin Dareeno Kala Duwan Abuuray Iyo Xilalka Xubnaha Ay Isku Beesha Yihiin Oo Lama Taabtaan Noqday!

Wajaale(W,N) Ciidanka Laanta socdaalka Somaliland ayaa sanadihii udanbeeyay marba marka danbaysa kor ay ku kacaysa Awoodaada ciidan iyo sidii ay uwada gaadhi lahaayeen gobolada dalka gaar ahaan xuduudaha Somaliland la leedahay wadama aynu jaarka nahay kuwaasi oo aad ku arkaysay dhalinyaro tiro badan oo ku labisan dirayska ugaarka ciidamada laanta socdaalka, waxaana guud ahaan ka muuqatay rajo iyo dadaal badan oo ay ugu jiraan sidii ay usugi lahaayeen shaqada ay qaranka u hayaan hadh iyo habeenba.

Hadaba Tan iyo intii uu xilka la wareegay Taliyaha laanta socdaal Gen Axmed Cismaan Caalin(Dayib) ayaa marba marka danbaysa waxaa isasoo taraya habac sanaan ku timid ciidanka laanta socdaalka, taasi oo lala xidhiidhinayo  hab maamulka taliye dayib oo isagu xubnihii aqoonta lahaa gabi ahaanba ka wada qaaday xilalkii isagoo taasi badalkeena magacaabay xubno tiro badan oo ay hayb wadaagaan taasi oo dareeno kala duwan ka dhex abuurtay laamaha ciidanka laanta socdaalka Somaliland.

Sidoo kale taliye dayib ayaa la sheegay in uu sigaara u bartimaameedsaday saraakiisha kasoo jeedaa deeganada waqooyiga gobolka maroodi jeex iyo gobolka gabiley isagoo xilalkii ka qaaday masuuliyinta deeganadan halka uu badalkoodiina ka dhigay in  xubnaha  ay isku beesha yihiin xilalkoodu noqdo mid lama taabtaana.

Qaarkamida dadwaynaha reer Somaliland ee sida dhow ula socday dhaq dhaqaaqyada taliyaha  laanta socdaalk oo iyagu ka cudur daartay in  la shaaciyo magacooda ayaa sheegay in talaabooyinka taliyuhu qaadayay mudoyinkan iyo isku badalada uu sameeyay ay yihiin kuwo sifaha maamulka baalmarsan  waxayna yidhaahdeen;taliyuhu wuxuu samaynayaa wax ka fog cadaalada iyo masuuliyada uu qaranka u hayo wuxuna xilalkii ay xubnaha ay isku  beesha yihiin hayeen ka dhigay kuwo lama taabtaana isagoo waliba siiyay darajo sare iyo xilalkii ugu muhiimsanaa isagoo waliba cadaalad usamayn kari waayay shakhsiyaadkii helay deeqda waxbarasho oo uu ku badalay qaar qoyskiisa waana wax laga xumaado in taliyhii dhamaa sidaa u dhaqmo. Ayay yidhaahdeen.xataa taliye dayib wuxu ka xishoon waayay in uu caruurtiisa xil udhiibo.

Gaashaanle Cabdirashiid  Axmed Taliyaha gabiley.

Gaanshaanle Cabdishkuur Hogaanka Zaadka ciidanka socdaal

Gaanshaanle; Cabdikariim Axmed Taliyaha xafiiska shisheeyaha

Gaashaanle Nimco Dayib  Safaarada  Etoobiya Xafiiska Socdaalka.

Waxaan ugu baaqaynaa madaxwaynaha Somaliland in uu hoos u eego falalka uu ku kacayo taliye Dayib oo xataa xilal culus udhiibay qoyskiisa waxaan madaxwyne kusoo jeedinaynaa in uu arintaa waxka qabto hoosna u eegto arimaha ka taagan ciidanka imigrayshanka.

Dhanka kale talaabooyiinka uu qaaday taliyaha laanta socdaalka ayaa abuuray dareeno kala duwan taasi oo keeni karta tafaraaruq xoogan.

Waxaa xusid mudan in taliyaha ciidanka laanta socdaalku xilal culus ku taxay xubno ay isku beesha yihiin,Arimahan ayaa sidoo kale abuuray dareeno cadho leh oo  maalmihii udanbeeyay hadalhayntooda ay isla dhexmarayeen dadwaynaha ku dhaqan gobolka gabiley iyo guud ahaan somalilandba iyagoo dhanka kale sheegay in aan loo adkaysan kari falalka kasoo fuliyaa taliyaha laanta socdaalka.

Sikastaba ha ahaatee bulshada reer somalland ayaa mudooyinkii udanbeeyay si dhow ula socda arimaha ka taagan laanta socdaalka iyo talaabooyinka uu ku kacayo taliyaha ciidanka laanta socdaalku. waxaana laga war sugudoonaa talaabada uu ka qaado madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi.

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF.

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version