WAJAALE NEWS

Shan Sifo Oo Aan Sheekh Aaden-siiro Kaga Jecelahay Culimada Kale!W/Q; Muhumed Dhimbiil,

1; Waa Mujaahid xaq ah oo aaminsan in halgankii dalkan loo soo galay xalaal ahaa isla markaana ku dhaata jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

2; Waa geesi run sheega oo aan cidna u guulwadayn , waxa uu arkona badheedhihiisa ka dhiibta.

3; Waa abaabule, daneeye , baraarujiye iyo dhiirigaliye bulsho xaga horumarka iyo wax wada qabsiga dadka reer Somaliland.

4; Waa u Hagar baxe iyo ka qayb qaataha koowaad ee arimaha khayriga ah ee lagu caawinayo dadka baahan iyo danyarta iyo waliba xabaalaha aynu isku aasno, aasaaskii jaamacadaha iwm.

5; Waa sheekh kaligii isku filan oo aan kudlad iyo koox toona ku jirin, aaminsana in umada run lagu dhaqo.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

Exit mobile version