|
|||||
WAJAALE NEWS
Shan Sifo Oo Aan Sheekh Aaden-siiro Kaga Jecelahay Culimada Kale!W/Q; Muhumed Dhimbiil,
December 26, 2018 - Written by Editor:1; Waa Mujaahid xaq ah oo aaminsan in halgankii dalkan loo soo galay xalaal ahaa isla markaana ku dhaata jiritaanka iyo qaranimada Somaliland. 2; Waa geesi run sheega oo aan cidna u guulwadayn , waxa uu arkona badheedhihiisa ka dhiibta. 3; Waa abaabule, daneeye , baraarujiye iyo dhiirigaliye bulsho xaga horumarka iyo wax wada qabsiga dadka reer Somaliland. 4; Waa u Hagar baxe iyo ka qayb qaataha koowaad ee arimaha khayriga ah ee lagu caawinayo dadka baahan iyo danyarta iyo waliba xabaalaha aynu isku aasno, aasaaskii jaamacadaha iwm. 5; Waa sheekh kaligii isku filan oo aan kudlad iyo koox toona ku jirin, aaminsana in umada run lagu dhaqo. QALINKII; Muhamed Dhimbiil
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|