WAJAALE NEWS

“Runtii Waa Bayj Cusub Oo Dhinaca Cadaaladda Loo Qaaday, Waanan Ugu Hambalyeynayaa Gud. Sharmarke Iyo Xukuumaddii Arintani Iyaduna Jidaysay” Prof. Saleebaan.

“Malaha Afrika Iyo Aduunkaba Maanta Ka Waajibkiisa Ka Soo Baxa Ayaaba Abaal Loogu Qabaaye Oo Ka Xuquuqdii Lagu Lahaa Soo Celiya Ayaaba Abaal Loogu Qabe Waan Idiin Hambalyeynayaa 50-Kiina Imtixaanka Ku Soo Baxay” Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud

BORAMA(W,N)Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal Professor Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa markii u horaysay Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Xukuumadda uuhogaamiyo Madaxweyne md Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyey kuna amaanay nidaamkacusub ee dawladdu ay  shaqo gelinta ayaqoonyahanka iyo dhalinyarta dalka ee goboladda dalka ugu sameynayso kagana qaadatay, waxaanu ku tilmaamay nidaam fiican oo dhinaca caddaaladda loo qaadayloona baahan yahay inay dawladdu halka ka sii wado mar kasta oo ay shaqaalecusub goboladda dalka ka qaadanayso.

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo khudbad ka jeedinaayey Kulan hay’adda shaqaaluhu xarunta Jaamacadda Camuud ugu sameysay 50-kii aqoonyahanka Wiilasha iyo Gabdhaha iskugu jiray eek u guulaystay kuna soo baxay Imtixaankii 368-ka qof u galeen shaqooyinka dawladu gobolkaasi ka qaadanaysay, waxa uu Prof. Saleebaan cod dheer ku amaanay kuna bogaadiyey hawsha fiican ee Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo madaxda hay’addaasi iyaga oo Siyaasadda Xukuumadda kaga wakiil ah ay gobolada dalka ku soo qabteen Tartan gobol kasta shaqaale cusub ay dawladdu kaga qaadatay, waxaanu md Saleebaan Axmed Guuleed Dawladda Somaliland kula taliyey inay halka ka sii wado qorshahan  shaqaalaysiinta oo nidaam cusub oo talaabo dhinaca  caddaaladda loo qaaday uu ku tilmaamay isaga oo dhinaca kale bogaadiyey 50-ka shaqaalaha cusub ee dawladdu Imtixaankii ay aqoonyahanka reer Awdal ka qaaday nasiibka u yeeshay inay iyagu ku guulaystaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isagu ugu horeyn kelmadiisa ka yidhi madashaasi waxa uu yidhi “Ididiilo cusub ayaa inoo soo korodhay aad iyo aad ayaanu idiinku hambalyeynaynaa 50-na aqoonyahan ee gobolka Awdal nasiibka u helay inay Imtixaankii halkan ka dhacay shaqaalaha dawladda ka mid noqdaan, waxan aad ku guulaysateen Xuquuqdiinii weeye waa waxaad mutaysateen, malaha Afrika iyo aduunkaba maanta ka waajibkiisa ka soo baxa ayaaba abaal loogu qabaaye oo ka xuquuqdii lagu lahaa soo celiya ayaaba abaal loogu qaba in kasta oo ay waajibkii loo xilsaaray tahay, marka Xukuumaddana waanu hambalyeynaynaa idinka iyo waalidiintiinaba waan idin hambalyeynaynaa, runtii tartanka Imtixaanka shaqooyinka dawladdu qaadatay loo galay waa Bayj cusub oo dhinaca Caddaaladda ah, waanan ugu hambalyeynayaa Guddo. Sharmarke sida hufan ee hawshani loo qabtay iyo Xukuumaddii arintani iyaduna jidaysay, waxaan runtii ku talinayaa in hada wixii ka dambeeya Qaabkan dawladdu shaqaalaha ku qaadatay loo wado”

Exit mobile version