WAJAALE NEWS

Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Si Adag U Dhaliilay Hoggaaminta Madaxweyne Biixi & Tayada Iyo Saamiga Caddaaladeed Ee Golihiisa Wasiirada!

Hargeysa(W,N)-Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, qayb weyna ka qaatay ololihii uu Madaxweyne Muuse Biixi u galay doorashadii kal hore dalka ka dhacday, ayaa si adag u dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo dhisay xukuumadiisa, waxaanu ku eedeeyay inuu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa inuu soo dhiso xukuumad kooban, taas bedelkeedna wuxuu sheegay in Madaxweynuhu dib ugu laabtay aragti uu sheegay inay gabowday oo ah in la buun-buuniyo magacaabista.

Ustaad Samatar, oo degen dalka Maraykanka oo uu ka yahay macalin jaamacadaha dalkaas ka dhiga xidhiidhka caalamiga ah,  wuxuu qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda iyo qaybta Somaliland. Wuxuu Axmed Ismaaciil Samatar, ka sokow isbedelada uu waddo Dr. Abiy Axmed ka hadlay xaaladda Somaliland iyo hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Professor Samatar, wuxuu ka hadlay doorashadii Somaliland iyo guushii xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in guushaas KULMIYE ka gaadhay doorashadaas kal hore iyo farxadii taageerayaashiisa hadhaysay ay u muuqato mid cimrigeedu soo koobnaanayo.

Wuxuu sheegay in dareenka rajada sare lahaa ee la qabay ay ku salaysnayd shanti tiir ee lagu saleeyay ololihii xisbiga KULMIYE “oo kala ah” ayuu yidhi  “Xoojinta is haysashada bulshada, dhaqaajinta korriin dhaqaale oo ay la socoto ilaalinta deegaanka, dib u dhiska hay’adaha waxbarasho, wax ka qabashada caafimaadka dadwaynaha, iyo dib u cusboonaysiinta xidhiidhka caalamiga ah—- wuu uumi baxayaa.” Ayuu yidhi qoraalka Samatar.

“Sidaasdarteed” ayuu ku yidhi Macalinku qoraalkiisa, “Waxa cad in dhamaan dadku ay galeen waxa ay u yaqaaniin reer Somaliland Amakaag iyo yaab.”

Professor Axmed Ismaaciil Samatar, isagoo soo bandhigaya qodobada shacabka ku keenay warwarka waxa uu tiriyay qodobadan.

Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday dalka.

Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah.

Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood.  Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah).

Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka.

Biixi waxa uu si u bogis mudan, oo go’aan adayg ah u yareeyey musuqii fadeexadda ahaa ee dakhliga dawladda lagu samaynayey, gaar ahaan ay wadeen masuuliyiinta sare ee dawladdu. Si kastaba ha ahaato ee, raadka ka dhashay koritaan la’aanta dhaqaale, sicir bararka, qiima dhaca lacagta dalka, heerka aadka u khatarta badan ee shaqo la’aanta dhalinyaradu maraysaa waxa ay ifafaale fool xun u tahay dhaqaale la’aanta mustaqbalka ka soo muuqda. Abaaraha isdaba joogga ah, iyo engaga  dhulkii ku dhacay, waxa uu Somaliland ku keenay in dad aad u tiro badan oo ah dadkii baadiyuhu ay u soo guuraan magaalooyinka waaweyn ee tirada yar.

Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor.

Inkasta oo ay deriskeeda iyo meelaha ka sii durugsanba ka socdaan isbedello yaab leh oo isa soo tarayaa, haddana Somaliland waxa ay ku jirtaa xaalad lignaan iyo qaangaadhinimo la’aan ah oo ka haysata dhinaca fahamka waxyaabaha adkeeyey aqoonsiga, iyo sida oo kale ka faa’iidaysiga, isbedellada Istaraatijiga ah ee socda.

Ma jiro wax caddaynaya in wasaaradda waxbarashada iyo xitaa wasaaradda caafimaadka dadweynaha la siiyey mudnaantii sare iyo dib u habayntii ay mid kastaa gaarkeeda ugu baahnayd. Waxa ay dunida casriga ah oo dhami ka midaysantay aaminsanaanta ah in mudnaansiintan muhiimka ah ee labadan hay’adood ay aasaas u noqonayso soo saarista raasamaal dad oo tayadoodu aad u sarrayso.

Labada xisbi mucaarad waxa ay noqdeen ma dhalays , waxa aanay u muuqdaan in aanay illaa imika awoodin in ay keenaan dhaliil lafagur iyo raynrayn abuuraysa oo rayid ah. waxaaba intaas sii dheer, xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI oo helay boqolkiiba 43 tirada codadka guud, in uu weli ka dul barooranayo jabkii gaadhay. In ka badan sannad oo laga joogo doorashadii, WADDANI muu muujin wax calaamad ah oo muujinaya in uu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh Kaas oo awood u leh in uu si adag u sii haysto taageerayaashiisa tirada badan, dibna u ceebtiro aragtidiisa ku aaddan dalka, si uu ugu guulaysto in uu muwaadiniin badan oo dheeraad ah dhinaciisa u soo jiido, isuguna diyaariyo tartanka soo socda.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version