Hargeysa(WJN)- Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegtay inay siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland sannadahan u dambeeyey hoos uga sii socoto derajadii ay ku lahayd gobolka iyo dunida kaleba, isla markaana ay Xukuumadda haatan talada haysaa ku fashilantay kor u qaadisteeda.
Faadumo Siciid waxay wax lala yaabo ku tilmaantay Xubno laga saaray Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo sida ay Guddiga doorashooyinka Somaliland weli isugu dhejinayaan kursiga, iyaga oo kalsoonidiii ay kala noqdeen Xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbiga Waddani.
Dhinaca kale Faadumo Siciid waxa ay dhaliishay kulankii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ay ku yeesheen magaalada Tog Wajaale.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka