WAJAALE NEWS

Madaxweynihii Hore Ee Itoobiya oo Geeriyooday

Addis Ababa (WJN)- Madaxweyne Girma Walde giyorgis oo xalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Addis Ababa wuxuu Itoobiya madaxweyne uu ka soo ahaa 12 sano.

Geerida madaxweynaha oo aan ka soo xigannay Ethiopian Press Agency ayaa waxay sheegtay Madaxweynihii hore ee Itoobiya inuu Xalay saqdii dhexe uu ku geeriyooday Cisbitaalka ciidamada ee Tor-hayloch oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Girma 1924-kii ayuu ku dhashay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Wuxuuna ka soo jeedaa qowmiyadda Oromada ee ugu badan dalka Itoobiya.

Waxbarashadiisii ugu horreeysayna wuxuu ka billaabay Dugsiga Teferi Mekonnin oo Addis Ababa ku yaalla.

Sanadki 1952-kii jaamacad Netherland ku taallo ayuu ka qaatay shahaadada ugu horreysay oo Maareynta hawada diyaaradaha ah (air-traffic management).

8-dda bisha October 2001-dii ayaa loo doortay Madaxweynaha Itoobiya, 9-ka bisha October 20017 markale ayaa xilka loo doortay wuxuuna dalka madaxweyne uu ka soo ahaa muddo 12sano ah.

Sida uu dhigayo qaabdhismeedka dowladda Itoobiya ay ku dhaqanto wuxuu ahaa madaxweyne sharafeed aan awood badan lahayn halka awoodda hoggaamineed ee dalku uu leeyahay Ra’iisal wasaaraha dalka.

Madaxweynaha wuxuuna ku hadli jiray afafka ay ka midka yihiin Amxaariga, Oromada, Cafarta, Ingiriisiga, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Laga billaabo 1941-kii ilaa iyo 2013-kii oo uu shaqada howlgab kaga fadhiistay muddo 72 sana ah wuxuu ka soo shaqeeynayey shaqooyin kala duduwan oo dolwadeed.

Madaxweynaha wuxuu ku dhintay 94 jir, iyada oo lagu wado in aas qaran loo sameeyo.

Exit mobile version