WAJAALE NEWS

Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Dowlad-deegaanka Somaalida Itoobiya Oo Filayo Inay Wajaale Ku Kulmaan+ Qodobada Ay Ka Wadahadli Doonaan!

TOG WAJAALE (W,N)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cadi iyo Madaweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) iyo Weftiyo ay kala hoggaaminayaan, ayaa la filayaa inay Jimcaha berri ku kulmaan magaalado-ganacsiyeedka Tog-Wajaale oo ku taalla Xadka ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay ka wadahadli doonaan arrimo muhiim ah oo kala duwan.

Ma jiro War rasmi ah oo Xukuumadaha Somaliland iyo Dowlad-deegaanka Soomaalidu ka soo saartay Safarkan la sheegay inay labada Madaxweyne ee Jigjiga iyo Hargeysa ku kulmayaan magaalada Wajaale ee Xadka labada dhinac, ahna degmo ka tirsan gobolka Gabiley. Hase-yeeshee, Warar Xog-ogaal ah oo Shabakadda Wajaalenews ka helayso ilo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in la qorsheeyey in labada Madaxweyne ee Biixi iyo Cagjar iyo Weftiyo ay kala hoggaaminayaan ku kulmaan Wajaale 21-ka bishan 12-aad ee 2018-ka oo ku beegan Jimcaha berri. Wallow aan sicad loo hubin

Ila-wareedyada Wajaalenews ay soo xigatay waxay intaa ku darayaan in diyaar-garawga soo dhawaynta labada Madaxweyne laga dareemayo labada daamood ee ay magaalada Wajaale u qaybsantay ee dhinaca Itoobiya iyo dhinaca Somaliland, isla markaana ammaanka magaaladaas aad loo adkeeyey caawa.

Sida ay Wajaalenews u xaqiijiyeen ila-wareedyadu, waxa Weftiga Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar waxa safarkiisa ku wehelin doona Xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo Saraakiil xilal ka haya dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya, halka Madaxweynaha Somaliland-na ay ku wehelin doonaan Saraakiisha Ciidanka iyo Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan. Waxa la sheegay inay labada Madaxweynne Kulankooda oo noqonaya kii ugu horreeyey yeeshaan intii ay xilka qabteen kaga wadahadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka siyaasadeed, ganacsi, nabadgelyo iyo wixii la hal-maala ay isaga kaashan lahaayeen Somaliland iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, si loo sii xoojiyo xidhiidhkii hore u jiray ee Dowladaha Itooiya iyo Somaliland.

Wararka la xidhiidha kulankan ee aannu helnay waxay intaas ku dareen, in kulankani xuddun u yahay ama noqon doono sidii xal looga gaadhi khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay Somaliland iyo Maamulka Soomaalida, kaas oo ka dhashay hadal uu Madaxwayne Mustafe Cagjar ka soo yeedhay, isaga oo Somaliland u lammaaneeyey Maamul-gboleedyada Soomaaliya qaarkood oo uu sheegay in Somaliland, Puntland iyo Jubaland Qaraxyo ay kaga abaabulayaan Xubno ka tirsan Maamulkii isaga horreeyey ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo uu sheegay inay baxsi ku joogaan Maamulladaas iyo Somaliland, eedayntaas oo ay ka jawaabeen Wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibedda ee Somaliland ayey ku tilmaameen mid aan laga fiirsan oo ka fajicisay, iyadoo la ogaa inay Somaliland qabqabatay Wixii Hanti iyo Gaadiid laga soo bililiqaystay dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya markii xilka laga tuuray Cabdi-iley oo ay Somaliland si rasmi ah ugu wareejisay Xukuumadda Mustafe Cagjar. Hadalkaas oo la sheegay in Cagjar raalli gelin ka siiyey Somaliland, ayaa la filaya inuu si rasmi ah raalli-gelin foolka-fool ah uga siin doono Madaxweynaha Somaliland iyo Dawladdiisa markay sida la qorsheeyey ku kulmaan Wajaale Jimcaha haddii Illaahay idmo.

Kulankaas oo arrimahaas aynu xusnay iyo kuwo kale-ba la filayo in lagaga wadahadlo, ayaa haddii uu qabsoomo noqonaya kii ugu horreeyey ee dhex-mara ama ay wada-yeeshaan Madaxweynaha Somalilland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Weftiyo ay kala hoggaaminayaan.

Hase-yeeshee, kulankaas ka dhici doona xadka ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan ee Wajaale oo aad loo hadal-hayo, ayaa la dhawrayaa ama laga warsugayaa sida uu u dhici doono, waxa lagaga wadahadli doono iyo go’aammada ama qodobbada ka soo bixi doona.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version