“Runtii weeye Atooruhu film buumetelayaa kun goor hore loo daawaday. Waxan xasuustay markii Siyaad Barre codsigii uu hal-abuurka soomaaliyeed isagu ka dalbaday ee Silsiladdi Deelay ayka dhalatay markii ay sida kale ku noqotay ee boogihiisi rag farta ku fiiqay waa kii dhinac kale uga wareegay ee yidhi LABA KACLAYNTII KACAANKA. Cabdiqays maansadii uu kaga tibaax-celiya oo runtii ka mid ah suugaanta abwaanka een ilaahadda la haynin ayaa ka bilaabmaysay:
Filimkii Mar Quufliyo
Qarni Hore Lay Ii dhigay
Sheekadaan Qawadeen
Qarqarsiga Ku fiirsaday
Qoormurux Haduu Rabo
Qasab Inan Ku Daawado
Mar labaad ku Qabatimo
Qorshihiisu Waa Nacas
Farmaajo Maxay Tahay Soomaalinimada Uu Sheegan Karaa Marka Khilaafka Jabuuti Iyo Eritrea Xataa Aanu Dhex ka Noqon Ee Dhinac Noqday Ee Afawarqi Garabka Saaray. Qorshaha Gobolka laga Wadwado Ninka soomaali la doonayo in loo Isticmaalo waa isaga oo shakhsi ah taako dhul soomaaliyeed ah Uu ka Taliyaana aysan jirin. Somaliland Qaramada Midoobay iyo Golaheedu Amaanka ayaa xataa isku deyay.
SIYAASI ;CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)