WAJAALE NEWS

DAAWO; Mooshinka Xilka Qaadista Madaxwayne Farmaajo Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Xildhibaano faah faahin Ka Bixiyay Qodobada Lagu Eedeeyay.

Muqdisho (W,N) in ka badan  92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kaasi oo uu soo jeedintooda ka aqbalay gudoomiyaha golaha barlamaanka .

Sidoo kale Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo mooshinka xilka qaadista madaxwayne farmaajo ayaa sheegay in tirada xildhibaanada doonaya in xilka laga tuuro marba marka ka danbaysa ay sii kordhayaan.

Iyadoo xogahani tibaaxeen in ay tiradoodu kor udhaaftay 167 dhanka kale madaxwayne farmaajo iyo raysal wasaare khayre ayaa ku jira  shirar ay kaga  arinsanayaan mooshinka iyo sidii looga  hortagi lahaa.

Dhanka kale Qaarkamida Xildhibaanadii soo gudbiyay mooshinkan  oo warbaahinta la hadlay ayaa  faah faahin ka bixiyay qodobada ay madaxweynaha ku eedaynayaan iyagoo sheegay   “inuu ku kacay khiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Dawlada Federaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version