WAJAALE NEWS

“WADDANI Diidmada Komishanka Uu Ku Sababeeyay Ayuun Baan Sax Ahayne, Waa Komishan Aad U Liita”Cali Guray,

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caliguray)Oo kamida siyaasiyiinta xisbi xaakimka Talada haye ee kulmiye ayaa komishanka doorashooyinku ku dhaliilay kuwa aan gudan karayn shaqadoodii taasi oo aanay jirin cidka hortaagan in ay bilaabaan hawlaha uyaala,

Sidoo kale Cali Guray ayaa farta ku fiiqay dhaliisha ay komishan ujeedinayaan xisbiga wadani In aanay ahayn mid sax ah balse ay jiraan dhaliilo kale oo ay leeyihiin kuna tilmaamay kuwo liita.

Cali Guray ayaa qoraal kooban uu kaga hadlayo komishan iyo dhaliilaha dulhogonaya wuxuu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Komishanka yaa ka hortaagan inay hawshooda ku dhaqaaqaan? Dadkii isdiiwaangeliyay een qaadanin kaadhadhkooda hadii aan waxba ka dhinayn inay u qaybiyaan iyo hadii kuwo cusub diiwaangelinayaanba ma WADDANI baa iska hortaagay? WADDANI diidmada Komishankan waxa uu ku sababeeyay ayuun baan sax ahayne sababo kale oo lagu dhaliili karaa way jiraan oo way badan yihiin oo waa Komishan aad u liita oo aan beer bislaaday kala goyn karin.Aniga dad shaqadiida iyagu baylihiyay oo tamar ay ku qabsan karaan aan lahayni iguma qancin karo WADDANI baa ka masuul ah.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Caliguray)

Exit mobile version