WAJAALE NEWS

“Wadahadal Madaxwaynaha Iyo Xukuumaddu Ka Maqan Yihiin, Cidda Iyadu Farmaajo La Gelaysaa Waa Ayo? Yayse Mitelaysaa”?Cali Guray.

Marka Dastuurka Somaliland Loo Noqdo Hogaaminta Talada Siyaasadda Qaranka Waxa leh Madaxwaynaha. Wada Hadal Madaxwaynaha iyo xukuumaddu ka Maqan yihiin Cidda Iyadu Farmaajo la Gelaysaa Waa Ayo? Yayse Mitelaysaa?

Todoba Sanadood ayaynu fursad siinay bal in wax uun la kala garawsado eh maxaa natiijo ah ee laga gaadhay qodobadii lagu heshiiyayse miyay fulisay xukuumadda Muqdisho dhinaceeedii? Maantana halka ay arinkiiba uu ku laaleen Farmaajo iyo xukunadiisu waynu ognahay oo Mashruuca Horumarinta Dekedda Berbera halkay iska taageen ayaynu ognahay. Inta ay sidaa yihiin wadahadal lala galaa wuxu sharaf dhac iyo bahdilaad ku yahay sharafta iyo karaamada shacbiga Somaliland wax la aqbali karayo maaha. Madaxwaynayaashii ka horeeyay Farmaajo hadalkoodu marna muu ahayn in shacbiga Somaliland aanay xaq u lahayn inay ka tashan karaan aayahooda Sharrif Axmed iyo Cabdillahi Yuusufba waxa laga hayay cid la qasbi karaa ma jirto laakiin waxanu doonaynaa in aanu ku qancino Somaliland in aan la kala tegin.

Kan imika joogaa isagu wuu ka duwan yahay oo xataa Xasan Sheekh ayaa ka dhawaa jawaabtiisuna waxay ku dhaanto marna taagtaa marna tamartaa ma jirto waayo wax uu la hadhay ayaaban jirin.

Markaa Faysal tiisa ha iska wato keligii weliba yaan dabarna lagu xidhin xataa hadii uu Muqusho ugu tegayo ha ugu tago wuxu sheegi karo ayaaba iska yare.

 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

 

Exit mobile version