WAJAALE NEWS

“Somaliland Hadii Ay Danteeda Ka Raacato Oo Xidhiidh Dhaw Iyo Iskaashi Dhaqaale La Yeelato Israel Ogow Dunida Islaamka Way Jiraan Kuwo Danahooda Ka Dhex Arkay”Cali Guray.

OO MAXAA II DIIDAYA?CALI GURAY

Tani Waa Shax ninka keliya ee godkiisa degay uu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wakhti ay Somaliland intan ka sii liidatay. Godka labaad hadii Somaliland ay xiligan degi karto waa mid la gudboon waayo waa sida keliya ee carabtu ku miyirsan karto hadii Israel ay Somaliland u soo celiso aqoonsigii ay hore 1960kii u siisay Somaliland.

Somaliland lafteedu Hadii ay danteeda ka raacato oo xidhiidh dhaw iyo iskaashi dhaqaale la yeelato Israel ogow dunida Islaamka iyo dalalka carabtaba way jiraan kuwo danahooda ka dhex arkay xidhiidhka ay la leeyihiin ama doonayaan inay la yeeshaan Israel. Xataa falastiiniyiin badan ayaa 70 sanadood ka dib dantooda u arka inay dawlad keliya wada yeeshaan iyaga iyo israaiiliyiintu in kastoo haddaba dalka Israel sharci ahaan loo aqoonsan yahay 20% ay yihiin falstiiniyiinta Israel.

Dhinca kale dalalka Khaliijka oo indhaha ku hayaa shiciyaynta Bariga Dhexe gaar ahaan dalalka carbeed waxay ku keentay isbedel wadamada Khaliijka iyo inta badan dalalka carabta ee kale oo markan khatarta koobaad u arka Iran ee aan u arkin Israel sidii wakhtiyada qaar ay ahaan jirtay.

Markaa maanta hadii ay Somaliland danteeda u aragto inay la danaysato Israel hadii Israel ay diyaar u tahay in mar kale ay hadana noqoto dawladda ugu hor aqoonsata Somaliland sidii lixdankiiba ay yeeshay wax lagula yaabayo maaha gaar ahaan carabtu. Somaliland waxa kale oo danteedu ku jirtaa inay xidhiidh iyo iskaashi dhinaca horumarinta dhaqaalahaba la yeelato Midawga Ruushka oo markan laftiisu si wayn u danaynaya Afrika gaar ahaan wadamadii hore xidhiidku uga dhexeeyeen xilgii Midawga Sofitaatiga oo Somaliland ay kow ahayd Saldhig Milatarina ay ku lahaayeen Berbera maalgashiga ugu badanna ay iyagu lahaayeen hadii ay Madasrka tahay iyo hadii ay dekedda tahayba.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

Exit mobile version