WAJAALE NEWS

Sheeko Kale: Madaxweynii Danyarta!

Jose Alberto Mujica Cordano wuxu ahaa madaxweynihii 40aad ee Uruguay,

(Dalka Uruguay wuxu ku yaala Laatiin Ameerika; waxaanu u dhexeeyaa Brazil

iyo Argentina.)

Madaxweyne Jose wuxu xillka madaxweyne nimada hayay muddo 5 sanadood ah

oo ahayd 2010-2015. Intii aanu madaxweynaha noqon wuxu lahaa soyaal

siyaasadeed oo dheer.

Sanadadii 70-taneeyadii iyo 80-taneeyadii wuxu ka mid ahaa hogaami yeyaashii

jabhaddii Tupamaros ee la dagalamaysay xukuumaddii kelideed taliska ahayd ee

Uruguay. Isaga oo halganka ku jira ayaa la qabtay; waxaanuu xidhnaa 13

sanadood. Intii uu xidhnaana waa la jidh dilay.

Ka dib markii Uruguay laga xoreeyay xukunkii kelidii taliska ahaa ayaa xabsigii

laga soo daayay oo ka mid noqoday xukuumaddii cusbayd ee la dhisay. Waxaanuu

xukuumadahaa ka noqday wasiirka beeraha, wasiirka xanaanada xoolaha, iyo

wasiirka kaluumaysiga.

Wuxu madaxweyne nimada ku guulaystay doorashadii 2009 kii. Waxaanuu xillka

la wareegay 2010 kii; isaga oo hayay ilaa 2015 kii. Mudadaa uu xillka hayayna

waxa loo bixiyay naanays ah: Madaxweynihii Saboolka Ahaa.

Naanaystaana waxa loogu bixiyay isaga oo intii uu madaxwenaha ahaa ku noolaa

guri yar oo uu leeyahay oo ku yaala beertiisa; qasriga madaxtooyada u shaqo tegi

jiray, hase yeeshe, diiday in uu ku noolaado.

Waxa kale oo diiday in uu ku shaqo tego baabuurtii qaliga ahayd ee

madaxtooyada; oo wuxu ka door biday in uu ku shaqo tego babuur Volkswagen kii

la odhan jiray ‘iga siimi’ ee aadka u yaraa.

Ka dib markii uu madaxweyne nimaddii ka degay, Baabuurkii Volkswagen ka

ahaa nin Carbeed oo ganacsada ayaa u dhigay in uu ka siisto hal milyan oo doolar

($1,000,000). Qiimaha baabuurka wuxu ahaa $1,800 oo doolar.

Iibkaa qaaliga ha ee loo dhigayna wuu diiday in uu ku iibiyo Volkswagen kii; isaga

oo yidhi lacagtaasi uma dhiganto eygayga lugta la’ ee aan ku qaado baabuurka yar.

Boqolkii ba sagaashan (90%) mushahaaradiisa, oo ahayd bishii $12,000, wuxu u

bixin jiray deeq uu ugu deeqo jimiciyada khayriga ah iyo ganacsatada yaryar.

Intii uu madaxweynaha ahaa iyo ka dibba, hantida uu yeeshay, marka laysu geeyo,

waxay noqotay $322,880 oo doolar. Waxana ku jira hantidaa beerta iyo guriga

(labada qol ah) oo lagu qiimeeyay $108,000; kuwaas oo aanu isagu lahayn ee

xaaskiisu dhaxal u heshay.

Allahayow adaa weyn! Ilayn waa madaxweyne in uu hantida dadkiisa boobo, ama

wuxuu urursada, aanay dhaqan u ahayne, waxa hantida kaydka u ahi (mushahaaro,

hawlgab, abaalmarin, iwm) isugu ururtay $214,880.

Waa lagu daydaa ruux hadduu doobir leeyahay eh

Bal dayaay duqaa madaxda ee daacadnimo yeeshay!!!

Madaxweynii hore ee Jose Alberto Mujica Cordano.

 

Prof: Cabdisalaan Yaasiin

Exit mobile version