WAJAALE NEWS

Shacabkii Reer SOMALILAND Waxay Galeen Laba Daan Dhexdood Kuwaas Oo Kala Ah Qabyaalad Iyo Qadhiidh . Qalinkii A/Rahman Fidhinle London.

 Aniga oo aan mucaarid ku aheyn Shacabka reer Somaliland laakiin mucaarid ku ah Maareynta  iyo musuq-maasuqa Xukuumada Siilaanyo ee isnuuga ah, bal aan uyara holado oo yara saro oo sar-kaxaadiyo yaabkan aanu aragney  markii ay xukuumada Siilaanyo badka soo dhigtey wax yaabo badan oo aan qoomiyad iyo qaranimotoona ehel u-aheyn balse ku qotoma boob qaawan, qaraabe kiil  iyo qabyaalad sibiq dhaqaaqdey oo duluca furatey. Taas oo ay maanta Somaliland ay ka dhacdey in hogaanka wadanka ay hororsadaan duul dilaaliin ah oo Degel meer ah  iyo duul darban oo deris ku nool ah  kuwaas oo ay qaar ku yimaadeen xukuumada taajir-wasteysi  iyo Digreeto madaxweyne oo dul saar ah, waxay duulkani ay ku milmeen xukumada xasabadeedii taas oo ay ka dhexsameysmeen

xukuumadii , qawleysato ganacsato ah oo aan waxba xeerineyn. Bal kawarama kuwa xididka, xigaalka iyo xasabada ah ee caadeystey in ay  mayracdaan xayndaabka madaxtooyada kuwaas oo ay  ishu qabatey iyaga oo sida gorey haldhaaga iyo salamadhlaha u kuur-kuurinaaya oo  u-khushi-talaabsanaaya  iyaga oo weliba  iyagu  isdalacsiiya oo isa siiyey awood aaney xeer iyo xeegaan toona u laheyn  kuwaas  oo had iyo jeer  ku hugma kuna hadaaqa hadalo aan hano qaad aheyn oo aan hilaabneyn, waxay duulkaasi  baabiiyeen  quruxdii, sharaftii  iyo karaamadii dawladnimo, xaliibnaantii (transparency) iyo xilgudashadii qaranimo, isxisaabintii iyo xeerarkii dawladeed ee dastuurka qaranka. waxaana duulkaasi ay kala wada jareen shakaaladii iyo sunayaashii isu wada hayey hayadihii bid-dhiga u-ahaa qaranimada JSL.

 

Waxaan la yaabey markii ay xukuumadii cagata saartey diriiq silan oo sabool ka ah sinaan iyo cadaalad ee iyada oo Habmaamuuska madaxada ugu sareysa JSL ay kala yihiin Madaxweyne Siilaanyo oo isagu leh hab-maamuuska kowaad ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida  Saleebaab Gaal oo isna leh Hab-maamuuska Labaad ee Qaran JSL, ayaa hadana waxaa labadaa mansab ee qaranka ugu sareeya ka dhextoosey oo qarankiiba loo sadqeeyey oo lagu laaluushey kooxadaa milanka iyo maydhanaanka ah ee aan ku xusey kuwaas oo  fadhateystey  dhamaan anfacii iyo awoodii dawladnimo taas oo maanta loo baahan yahay in wadanka laga badbaadiyo intaanu inagu dumin.

 

Ileen xalaal iftiin ayaa la qashaaye , waxaan la yaabey Madaxtooyada la hoos keenay TV-ga Qaranka, Dekeda, Haamaha, Hayada wadooyinka qaranka , Dakhliga 2% ee gobolada bariga,oo hadana laga horjooyo deeqihii ay hayadaha deeq-bixiyayaashu ku yabooheen ee uqoondeyeen meelaha mudnaanta kowaad leh ee  baahida badani ka jirto sida biyo la’aanta ,waxbarashada iyo caafimaadka. Bal eega muranka iyo maareyn la’aanta ka taagan $30kii  million ee UAE ay dhawaan inoogu deeqday in biyaha Hargeisa lagu hagaajiyo, meeday xisaab xidhkii $28 Million ee loo qorsheeyey dib uhabeybtii Ceelasha Geed-deebleh?, Yaa ka yeelaaya xukuumada Air portka Hargeisa ayey ku baxdey lacag gaadheysa $24 Million oo doolar,?  Shacabka JSL weli ma loo soo bandhigay $64 kii million ee doolar ee ay EU-du inoogu  yaboohdey inta soo gaadhey iyo wixii lagu qabtey?  Maxaa iyana ka qabsoomayey $50 Millionkii doolar ee ay labada hayadood ee kala ah DFIT iyo UK Department of International Development (DANIDA) ay JSL ugu yaboohen ?  Waxaa shacabka JSL ay indhahoodu ku foogan yihiin kuna fiiqan yihiin in loo soo bandhigo waxyaabihii lagu qabtey lacagaa tirade badan ee aan kor kaga soo dhawaajiyey.

 

Waxaan isna la yaabey Xeer ilaaliye axmaq ah oo isna askaxa ka dhigay anshaxii garsoorka iyo cadaalada JSL markii uu maxkamada horteeda uu kaga hugmey ee kaga hadaaqey hadalo aan mariimneyn oo aan macne badan laheyn. Waxaan la yaabey Wasiirkii  aan is lahaa danyartu deyrta ayey  doogsandoontaa oo uu ictiraaf buuxa uu wadanka u keeni doonaa oo isagii la arkey isaga oo dhacaranaya oo dudada iyo  duleedka dooxada Xunbo-Weyne isagii  Like ka qodanaaya , waxaa taana ka sii daran markii uu caasimada itobiya uu ka furtey Xafiis u qaabilsan dilaaliska Kheyraadka dabiica ah ee wadanka halkaas oo uu ka mashquuley shaqadii loo igmadey ee loo dhaariyey, taas oo uu hada icritaafkii uu shacabka reer S/land uu ku taamaayey mudada dheer uu ku soo ururey oo uu iska noqdey halaanhal, hadaaq iyo halhays.

 

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)

Qalinkii : A/rahman Fidhinle

Intensive ED BD PA

United Kingdom

London

Exit mobile version