WAJAALE NEWS

Midowga Yurub Oo Ogolaaday Qorshaha ka Bixista Britain.

HARGAYSA(W,N) Hoggaamiyayaasha 27-ka waddan ee Midowga Yurub ayaa ansixiyey heshiis ay dalka Biritan kaga baxayso Midowgaasi, isla markaana u gogol-xaadhaya nooca iskaashiga  ee ay mustaqbalka yeeelan doonaan labada dhinac.

Hogaamiyaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in 27 ka hogaamiye ee midowga Yurub kulan ay ku yeesheen in midowga Yurub uu taageeray heshiiska qorshahaasi iyo waliba cahdi siyaasadeed oo ku aadan mustaqbalka xidhiidhka Britain iyo Midowga Yurub.

Hesiiskan ayaa cayimaya waqtiga ay Britain ka baxayso oo ah 29-ka bisha March iyo waliba hanaanka xidhiidhka mustaqbal ee ay yeelan doonaan labada dhinac.

Raysal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa hada waajahaysa shaqo adag oo ah inay heshiiska ka dhaadhiciso baarlamaanka midowga Britain oo aan la malayn Karin.

Maalintii shalay ayay sidoo kale madaxweynaha golaha Midowga Yurub Donald Tusk iyo raysal wasaaraha dalka Spain Pedro Sanchez ay isla meel dhigeen xalka mustaqbalka Gibraltar oo ah dhul ku yaala xeebta koonfureed ee dalka Spain, arintaasi oo meesha ka saartay caqabadii hortaalay kulanka midowga Yurub uu ka yeelanayay si uu u taageero qorshaha ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub.

 

Exit mobile version