WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Garoowe oo Eedeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Garoowe (WJN) – Madaxweynaha maamulka garoowe , Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federaalka  Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, dakhliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xadhiidhka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

Cabdiweli, oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay khilaafka dowladda faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ,waxa uu sheegay inuu ku salaysanyahay arrimaha faderaalismka ee dalka, isagoona sheegay dowladda inay isku koobayso awoodaha oo dhan, taasina ay suurtagal ahayn.

“Waxaan maamulaa Gaalkacyo illaa iyo Caluula kun iyo laba boqol oo kiilo mitir, hadde dadka aan hogaamiyo aniga ayay iga sugayaan wax walba sida caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka.” ayuu yidhi madaxwaynaha maamulka Garoowe.

“Aniga waxaan ka imid dal faderaal ah, guddoomiye kasta oo gobol Mareykanka waxaa uu xaq u leeyahay uu soo galaa heshiisyo caalami ah, mana ahan inaan Gaalkacyo ama Garoowe gudaheeda kaliya isku koobo.” ayuu yidhi Cabdiweli Gaas oo la waydiiyay inay dowlad-gobolleedyada ay siyaasadda arrimaha dibadda u gacan dhaafayaan dowladda dhexe.

Madaxwaynaha Maamulka Garoowe ayaa ku eedeeyey dowladda faderaalka inay dhaqaalihii dowladda ay u adeegsanayso siyaasado gaar ah sida kala fogaynta maamul-gobolleedyada ,sida Koonfurgalbeed oo uu ku sheegay musuqmaasuq inay ka gashay.

Exit mobile version