WAJAALE NEWS

Halka La Geeyey Madaxa Saxafigii La Dilay ee Jamal Khaashuqji oo La Ogaaday

Itanbul (WJN)- Ilo lagu kalsoonaan karo, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa u sheegay Wargeyska Al Khaleef Online in baadhitaanka Turkey soo gabo gabeeyay lagu ogaaday in madaxa Wariye Jamal Khaashuqji loo qaaday Caasimadda Sacuudiga, halka jidhka intiisa kale lagaga tagay magaalada Istanbul.

Ilaha xog ogaalka ayaa intaasi ku daray “Kooxda Baadhayaasha Turkiga waxay heleen cadeyno xaqiijinayo jirka Jamaal oo la tuuray, laakiin masuuliyiinta Turkiga waxay doonayaan jawaab sax ah oo kasoo baxda masuuliyiinta Sacuudiga, si loo kala cadeeyo halka iyo sida loo tuuray”

“Habka loo wareejiyay madaxa Jamaal, kadib markii la dilay lana burburiyay jidhkiisa, ma cadda ilaa iyo hadda, ma diyaarad baa lagu qaaday, ma badda la marsiiyay mise gaadhi dhulka maraya”ayaa laga soo xigtay ilaha xog ogaalka ah.

Waxaa la sheegay in Maher Al-Mutrab, oo waardiye u ah dhaxal sugaha uu ahaa qofka ugu muhiimsan ee ka dambeeyay shirqoolka Jamaal Khaashuqji, wuxuu haystaa Baasaboor Diblumaasi ah, waxaana looga shakisan yahay in boorsadiisa lagu qaaday madaxa markii uu ka tagayay garoonka Ataturk ee dalka Turkiga, ama diyaaradiisa gaarka ah inay qaaday maxaa sabab la xidhiidha xasaanadiisa Diblumaasi.

“Warbixinada Turkigu helay, ee lala wadaagay hogaamiyaasha caalamka iyo Hay’adaha amaanka qaarkood, waxay ku noqdeen wax ay la yaabaan,laakiin waxaa jira cadeymo kale oo aan wali lasii deyn”ayaa lagu yidhi warbixin laga soo xibtay dad xog ogaal ah.

Exit mobile version