HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Caliguray” oo kamida siyaasiyiinta reer Somaliland ee aala ka faalooda arimaha taagan guud ahaan ayaa walaac ka muujiyay isbadalka siyaasadeed ee ka socda geeska Africa iyo sida Somaliland aanay uga dhex muuqan,
Sidoo kale siyaasi Cali Guray ayaa dareen togan ka muujiyay dhaq dhaqaadyada isbadal ee uu hormuudka ka yahay raysal-Wasaaraha etoobiya oo umuuqda mid ka leexday xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland iyo etoobiya iyo ciidamo etoobiyaan ah oo soo gala gudaha Somaliland.
Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu Arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay Xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;
ALLOW SAHAL AMUURAHA!!
“Ka Dib Heshiiskii Dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea ee Soo Afjaray Colaadii u dhaxaysay iyo heshiiskii sedexgeesoodka ahaa ee Asmara waxa muuqatay inuu jiro ajande aan la shaacin oo ku wajahan xidhiidhka dhinacyada amniga iyo is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika oo ku salaysan aragtida cusub ee isbedelka ka socda gobolka. Gaar ahaan arimaha dalkii la isku odhan jiray Somalia (Somaliland iyo Somalia) waxa la moodaa in Dawladda Federaalka Somalia ay kelideed iyadu ka metelayso Somalilandna aanay kaalin ku lahayn wada hadalada iyo heeshiisyada isbedelka ka socda gobolka.
Dhinaca iskaashiga amniga waxa muhiim ah ciidamada Itoobiyaanka iyo Eritrean-ka ah ee lagu baahinayo Somalia marka laga soo bilaabo Kismaayo ilaa Gobolka Sool ee Somaliland degaamo ka mid ah, taasoo laga yaabo inay gogolxaadh u tahay nabadaynta iyo xasilinta amniga oo muhiim u ah in sanadka 2020ka ay doorashooyinka golayaasha Degaanaada iyo doorashada baarlamanku ka qabsoonto Somalia.
Isbedelka cusub ee ka dacay Dalka Itoobiya iyo Isbedelka Aanay Somaliland Qaybta ka ahayn Taladiisa Ayaa Muuqata inay jiraan Wax Iska bedelay Xidhiidhkii Gaarka ahaa Ee sida Madaxbanaanida ah Uga Dhexeeyay Somaliland Iyo Itoobiya Gaar ahaan intii Xafiiska Ra,isul-wasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya uu la wareegay Mr Abiye Axmed. Waxa jira warar cusub oo sheegaya in Xafiisyadii xidhiidhka dhinaca Ganacsiga Ee ay Iswaydaarsadeen Somaliland Iyo Itoobiya la Xidhayo Iyadoo ah Go’aan Dhinaca dawladda Itoobiya oo keliya ah In kastoo ilaa hadda labada dawladood aanu midna ka soo bixin war rasmi ah oo la shaaciyay.
Hadii qorshaha ciidanka Itoobiya uu ku imanayo gudaha Somaliland uu rumoobo dabcan kuna rumoobi kara ogolaanshaha Somaliland taasi waxay noqonaysaa markii ugu Horeysay ee ciidamo shisheeye ay si rasmi ah uga hawlgalaan Somaliland. In qorshahaasi uu run yahay waxa inoo iftiiminaya Hawlihii Nabadaynta gobolka Sool gaar ahaan labadii reer ee dagaalku ku dhexmaray Dhumay oo loo raray magaalada Jigjiga si loo hirgeliyo Heshiiska Nabadda ee la wada Gaadhona Dabcan waa inay jirto cid ama ciidamo ay labada dhinac raali ka wada yihiin oo nabad-ilaalineed.
Waxa iyaduna run ah in isbedelka cusub ee gobolka ka socda aanu ku ekayn dawladaha gobolka ee la aqoonsan yahay oo keliya balse ay dawlado ka baxsan gobolkuna gacan ku leeyihiin sida wadamada Khaliijka gaar ahaan kuwii dhexdhexaadiyay heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea waa Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Sucuudiga eh. Xataa reer galbeedka siiba dawladda Maraykanka ayaa suurtogal ah inay iyagu ka dambeeyaan isbedelka cusub ee ka socda gobolka Geedka Afrika oo dano istraataji ah ay ka leeyihiin.
Hadaba waxa iswaydiin mudan Somaliland maxay kala socotaa arimaha aynu soo xusnay, saamaynse maxay ku yeelan karaan, maxaase uga meel yaala?
Marka aynu tixraacno hadaladii wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda jawaabtu waxay noqonaysaa; inama khusayso, wax isbedelay ma jiraan ee wax waliba waa sidii hore. Hadii ay runtii tahay waa ha samaatoo ha la helo uun waxa inooga furani. Hadii kale xaalka Somaliland mooyi meel uu ku dambayn markaa saw ALLOW SAHAL AMUURAHA ADAA NOO AQOONEE uun maaha arinkeenu sidii lixdankiiba aynu nidhi?
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caliguray)