WAJAALE NEWS

Dagaal Ka Dhacay Magaalada Xudeydah ee Dalka Yemen

Xudeydah (WJN)- Ila wareedyo dhanka caafimaadka ah oo ka imanaya magaalada Xudeydah ee Yemen ayaa sheegaya in dad gaadhaya toboneeyo qof oo ka tirsan Xuutiyiinta lagu dilay dagaal halkaasi ka dhacay 24 saac ee ugu dambeeyay .

Dagaalka ayaa dhex maray maleeshiyaad gacan saar la leh dowladda Yemen iyo xoogaga Xuutiyiinta.

Isbahaysiga uu Sacuudiga hogamiyo ayaa duqeymo ku taageerayay maleeshiyaadka la dagaalamaya Xuutiyiinta.

Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka jaamacadda Xudeydah.

Tiro dagalyahano ah oo daacad u ah dowladda dalkaasi ayaa sidoo kale dagaalkan lagu dilay.

Magaaladan Dekadda leh ee Hudeydah ayaa xuddun u noqotay dagaalka dalka Yemen.

Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka uu si lama filaan ah ugu baaqay xabbad joojin laga dhaqan galiyo dalka Yemen.

Duqeymo hore ay u gaysteen xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa la sheegay in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamtay Yemen in ay ka jirto musiibo bina’aadanimo tii ugu xumeyd.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay in duullaanka ay horkacayso xukuumada Sacuudiga uu horseedi karo khasaaro soo gaadha dadka rayidka ah.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in dagaalkan loogu jiro gacan ku haynta magaalada dekadda leh ee Xudeydah ay ka dhalan karto in gargaarka bina’aadnimo uu hakad ku yimaado.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajin jiray gargaarka bina’aadanimo ee la gaadhsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.

Duqaymaha magaalada Xudeydah ayaa billaabmay bishii June ee la soo dhaafnay.

Xulufada Sacuudiga ayaa rumaysan in magaalada Xudeydah uu xuutiyiinta uga soo dego hub iyo saanad militari.

 

Exit mobile version