WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Dhaawacyo Gobolka Sool Laga Qaaday oo Muqdisho La Geeyay

Hargeysa (WJN)- Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay markii u horeysay ka hadashay warar maal mihii u danbeeyay la isla dhexmarayay oo ku saab sanaa in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedkii koonfurta gobolka Sool la geeyay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi “Xergeye” ayaa waxa uu ka Hadley arrintaasi isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version