WAJAALE NEWS

Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya Ee EPRDF oo Maanta Shiraya

Addis Ababa (WJN)- Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee magaciisa loo soo gaabiyo EPRDF, ayaa lagu wadaa in maanta uu shirweyne uga furmo magaalada Awasa.

Shirweynahan oo labadii sano iyo badhkiiba uu xisbigan yeesho ayaa waxaa ka soo qeybgalaya boqolaal xubnood oo xisbigaasi ka tirsan.

Kulankan oo ah midkii ugu horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisal Wasaare Abey Axmed waxaa la filayaa in diiradda lagu saari doono waxyaabo dan u ah dalkaasi.

Exit mobile version