WAJAALE NEWS

WHO: Carruurta Ku Nool Dunida Waxaa Dhibaata Ku Haysaa Hawada Wasakhaysan

Hargeysa (WJN)- Warbixin cusub oo kasoo baxday ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa muujinaysaa in boqolkiiba 90 carruurta ku nool dunida ay qaataan hawo waskhaysan.

WHO waxay sheegtay in carruurta ay si gaar ah ugu nugul yihiin wasakhda hawada.

Jidhka iyo maskaxda carruurta aya ah kuwa sii koraya waxayna si ka badan sida dadka waawayn ay u qaataan hawada.

Balse sidoo kale caawaqib xumada caafimaad ee arrintan ka dhalata ayaa ah mid mustaqbalka fog sii jirta.

Waxaa ka mid ah cudurada mustaqbalka fog ku dhica kara marka ay caruurta weynaadaan sida neefta iyo cudurada kale ee halista ah sida kuwo ku dhaca saableyda .

Hay’adda WHO waxay sheegtay in boqolkiiba 93 caruurta ay da’doodu ka hooseyso 15 jirka ay qaataan hawo wasakhaysan.

Exit mobile version