WAJAALE NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Soo Bandhigay Cida Ka Danbaysa Colaada Labada Beelood ee Koonfurta Laascaanood

Hargeysa (WJN)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka sababay Dhimashada kontonka ruux ka badan iyo Dhaawaca Siddeetanka Qof ka badan ee shalay Beelaha walaalaha ah ku dhex-maray deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka SOOL, waxaanu ku baaqay in Dagaalka la joojiyo, Colaaddana nabad lagu beddelo.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu aad uga tiiraanyeysan yahay in bilaa sabab iyo dagaal Beelo walaalo ah ay tiro intaa le’egi ku dhimato kuna dhaawacanto, waxaanu Tacsi u diray Qoysaska iyo Ehelada Dadka halkaas ku dhintay, isaga oo u duceeyey kuwa ku dhaawacmay, isla markaana waxa uu ku celceliyey in nabadda lagu soo noqdo oo wadahadal lagu dhammeeyo xalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Exit mobile version