Laascaanood (WJN)- Wararka hada naga soo gaadhaya Magalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada Ocean Airline loo diiday in ay ka degto Garoonka diyaaradaha Magaaladaa laascanood .
Diyaaradaas ayaa la sheegay in ay siday dawooyin loogu talo galay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay iyo in sidoo kale ay qaado dhaawacyada qaarkood.
wararka aanu ka helay arintan ayaa waxay intaa ku dareen in ujeedada loogu diiday diyaaradan in ay fadhiisato garoonka laasnacood ay tahay in ay kusoo xad gudubtay hawada somaliland iyadoon wax ogolaansho ah haysan iyadoo oo ku socotay nidaam sharcidaro ah oo si tuugo ah ay doonayeen maamulka muqdisho in ay uga dagto laascanood.
Mas’uuliyiinta Maamulka Laascaanood ee Somaliland ayaa la sheegay inay guulaysteen in ay diyaaradan udiidaan garoonka Magaalada Laascaanood.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda maamulka muqdisho iyo Xukuumada Somaliland oo ku aadan is hor istaaga lagu sameeyey diyaaradan iyo qorshayaasha ka danbeeyay,
WAJAALENEWS DESK
HARGEYSA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM