WAJAALE NEWS

Ururka ONLF iyo Dowladda Itoobiya oo Heshiis Ku Kala Saxeexanaya Dalka Eritrea

Jig Jiga (WJN)- Mas’uuliyiin ka socda ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya ayaa maanta la filaya inay heshiis ku kala saxeexdaan caasimadda Eritrea ee Asmara si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah oo ku gadamaan meel marinta qodobada heshiiska.

Afahayeenka ONLF Cabdi Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani) oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in lagu soo afgartay qodobo ay kamid yihiin aayo ka talinta,arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha ammanka dalka.

Caddaani wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda aanan wax heshiis ah laga gaadhin.

“Waxaan xusi karaa in ONLF iyo dowladda Itoobiya isku afgarteen in ujeeddooyinkii iyo barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo hadafkii ONLF ay si nabadgelyo ah iyadoo aanan waxba ka baddalin u sii wadan karto” ayuu yidhi afahayeenka ONLF.

Wuxuu sheegay inay u dirirayaan xuquuqda dadka Soomaalida ee ku dhaqan Itoobiya haddii ay noqoto saamiga ay ku yeelan lahaayeen dhaqaalaha iyo siyaasadda Itoobiya.

Mar waxa laga weydiyay, Caddaani Hirmooge inay filayaan in xilal looga magacaabo dowladda Itoobiya iyo in kale, wuxuu ku jawaabay “Suuragal weeye, mar haddey ONLF nabad qaadatay , dad ONLF kamid ahaan jiray howlwadeen way ka noqon karaan meel kale, dowlad goboleedka dood kama qabto”.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada kasocda dalkaasi.

Ururka ONLF ayaa tobanaan sanno dagaal kaga soo horjeeday dowladda Itoobiya.

Exit mobile version