Nairobi (WJN)- Siyaasi Faarax Macallin ayaa waxa uu Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ku eedeeyay inaanu doonaynin ka hadalka dhibta ay ciidamadiisu ku hayaan Soomaaliya.
Waxa uu Siyaasi Faarax Macalin sheegay in ciidamada Kenya ay dilal iyo gaboodfallo joogta ah ka geystaan Gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya, waxana uu tilmaamay in dowladiisu ayna diyaar u ahayn in xal loo helo dhibaatooyinkaasi lagu hayo Soomaalida.
Sidoo kale Siyaasi Faarax Macallin waxa uu tusaale u soo qaatay ciidan ka tirsan Kenya oo todobaadkan garaacay dad rayid ah sidoo kalena dab qabadsiiyay guryo ay dad rayid ah leeyihiin oo ku yaala degaanka daba City oo ka tirsan Mandheera.
Waxaa uu Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu wax ka qabto Ciidanka Kenya ee labada dhinacba ku dhibaateeya dadka rayidka ah.
Wuxuu intaa raaciyay Faarax Macallin in Ciidanka Kenya ee aan ku jirin AMISOM ay bur buriyeen taawarada Isgaadhsiinta Hormuud, waxaana uu Madaxweynaha ugu baaqay in uu Magdhow ka bixiyo dhibaatada Ciidanka Kenya ka wadaan gudaha labada dal.
Faarax Macalin ayaa muddo dhowr jeer Dowlada Kenya ku eedeeyay xasuuq.