Waa lagama maarmaan iyo wax aas-aas u ah marka ay ummadi hor mar hiigsanayso in ay haysato xornimo fikir, Aragti iyo aqooneed oo ay ku gaadhaan hiigsigooda.
Waxa aan aaminsanahay hadii intaa iyo in badan oo kale dedaal la galiyo in aynu ka xoreyno dadkeena oo ay noqdaan qaar si xor ah u fikiri kara, halkaasi waxa ka bilaabmaya curinta afkaaraha horumarka.
Waxa somalidu qarmiyadii tagay ku hawlanayd gumaysi la dirir iyo xoreyn dhul soomaaliyeed, marnaba lagama fekarin hab fikirka qofka somaliga ahi in uu ka muhiimsan yahay dhulka la raadinayo waayo qofka ayaa dhulka ku nool ee dhulku qofka kuma noola.
Haddaba marka aan eegay aad ugu fiirsadey dhacdooyinka iyo siyaasadaha ku wajahan dadka somalida ah, ama Somaliland ha ahaado ama afartii kale ee soomaaliyeed e
In qof somali ah oo aragti ahaan, siyaasi ahaan, dhaqan ahaan iyo aqoon ahaan xor ah la helaa way yaraanaysaa sababahan awgood;
Somalida hada nooli waa dad u nugul in si dhibyar loo dhalan-rogi karo, waxaana ku hirdamaya oo isku haysta siyaasadaha reer galbeedka, Carabta, Wadamada jaararka, Turkiga iyo xulafadiisa.
Waxyaabaha la inagu dhalan-rogi karo ama la inagu dhaqan-gadiyi karo waxa ugu weyn waxyaabaha aynu ugu baahida badan nahay oo ah aqoonta, inaga oo aanu seeska waxbarashadeenu ahayn mid ku dhisan wadaniyad iyo dal jacayl ayaa waxa aynu fursado waxbarasho ka helnaa wadamo siyaasado iyo dano fog inaga leh qarniyada soo socda.
Waxa aan qarsooneyn mushkiladaha iyo dagaalada ka socda Geeska Afrika in ay u badan yihiin qaar la inoo soo raray oo dano shisheeye iyo dawlado shisheeye ama ururo dano kale leh dabada ku haya oo gudaheena la keenay, ilaa maantana aanay iska garan dadku.
Waxa qoraalkan igu kalifay miyaanay habooneyn inta ay goori goor tahay in aynu ka fekarno mustaqbalka ubadkeenu xaguu ku dambeyn doono, dad ahaan qiime noocee ah ayeynu ka yeelan doonaa dunida aynu ku noolahay 100ka sano ee socda?
Aduunkan ilaahay inagu abuurey dad saameyn noocee ah ku yeesha ayeynu noqon doonaa tolow?
Gebo-gabada qoraalkayga miyaanay inoo eekayn in aynu maanta ka tashano nidaamkeena waxbarasho, dhaqan iyo nololeed ee aynu ku ababinayno ubadkeena ina badali doona.
In aynu helno ama isku dayno aqoonta waxii ina anfacaya mooyaane waxii kale in aynu ku badaleno aqoon wax ka taraysa deegaanka aynu ku noolanahay oo inooga anfac roon tan aynu maanta barano.
Iyo in aynu si soo jeeda u eegno dadkeenii dibadaha ku noolaa iyo ubadkooda intii ugu badneyd marxaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ay inagula soo noqon doonaan mustaqbalka dhow. Iyo waliba halka ay u dhimatay ama nuxurku yahay oo ah in la helo hogaan ama siyaasi ka xor ah hirdanada iyo siyaasadaha dunidan qalabaa-gediyaya ee awood iyo dhaqaale ku dagaalanka ah oo danaha dalalkeena iyo dadkeena kala soo dhex bixi kara laba-dhagax dhexdood isaga oo aan midna ku tiirsan.
Isku soo wada ururiyoo siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee ku soo wajahan dawladaha Somaliland iyo Somalia waa qaar ujeedooyin fog leh oo u baahan in aad looga dhug yeesho saameyntooda dhaqan, nolol iyo siyaasadeed, halka aynu ka eegayno uun dhaqaale iyo maalgashi kaliya.
Aragtiday gaaban
QALINKII; Muhamed Dhimbiil
Hargaysa Somaliland