Hargeysa (WJN)- Dhawaan ayaa xukuumadda Somaliland waxay burrisay dhammaan wixii heshiiyo hore ahaa ee ay sharikado gaar ah hore ugula gashay soo daabicidda dukumentiga leh qiimo lacageed sida Baasaboorrada, laysimada wadidda gaadiidka, buugaagta gawaadhida , iyo waxyaabo kale.
Waxaa lagu wareejiyay daabacaadda dukumentigaas oo dhan madbacadda dowlada ee Hargeysa ku taala oo bilihii u danbeeyay dhawr jeer shaqaalaheedu sameeyeen cabashooyin la xidhiidha in shaqadoodii la quudhsaday .
Haddaba dad badani waxay isweydiinayaan Madabacada dowladdu ma fulin kartaa shaqadan culus ee lagu soo wareejiyay iminka?
Siciid Saalax Shire oo ah maareeyaha madbacadda dawladda Somaliland wuxuu kalsoon yahay in madbacaddu awood u leedahay wixii baahi daabacaad ah.
“Dhamaan wixii daabacaad ah ee qaranku leeyahay waxaa u xil saaran madbacadda, wayna awooddaa nooc kasta oo dukumenti ah in ay daabacdo marka laga reebo baasaboorka oo u baahan in laga kabo, arrintiisana ay isaga imaanayaan madbacadda qaranka iyo wasaaradda maaliyadda” ayuu yidhi Siciid Saalax.
Shaqaalaha madbacadda waxay u sheegeen BBC-da in ay mararka qaar shaqeeyaan ilaa 12 saacadood.
Madbacaddan waxaa furay madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, hase yeeshee waxaa sanooyinkii dambe lagu soo kordhiyey qalab casri ah oo qabta shaqada daabacaadda.
WAJAALENEWS DESK
HARGEYSA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM