WAJAALE NEWS

Maalinta Cuntada Adduunka oo Si Wayn Looga Xusay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (WJN)- Munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada horumarinta Somaliland islamarkaana lagu xusayay maalinta Cuntada Adduunka ee 16 October ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ka qabsoontay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada horumarinta Beeraha, Wasiirka Wasaarada Biyaha, Wasiirka wasaarada Deegaanka, Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta, Hay”addaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaarada Beeraha iyo marti sharaf kale, Waxaana madashan lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee cuntooyin.

https://youtu.be/dl-sW73-Og8

Exit mobile version