WAJAALE NEWS

Dawladda Itoobiya oo Markii U Horraysay Madaxweyne Dumar Ah Yeelatay

Addis Ababa (WJN)- Haweenay ayaa markii u horraysay madaxweyne ka noqotay dalka Itoobiya, xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya oo kala fadhi yeeshay ayaana doortay Sahlework Zewdie.

Arritan ayaa timid ka dib markii ay isla xildhibaannadu codsigii is casilaadda ka aqbaleen madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mulatu Teshome.

Dawladda Itoobiya ayaa isbadallo waawayn oo siyaasadeed samaynaysay bilihii u dambeeyay tan iyo intii uu xilka la wadaagay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Axmed.

Abiy ayaa horumar wayn ka sameeyay dhanka ka qaybgalka dumarka.

Isla bishan ayuu isbadal wayn ku sameeyay golahiisa wasiirrada 50% ayuuna dumar ka dhigay.

Exit mobile version