WAJAALE NEWS

Dadku Run Necebaa!Qalinkii; Barkhad-ladiif,

“Runeey lagu neceb

Lagu Rokee La iska Kaa reeb

Ristaad Daaqdaba Fule kaa roor

Ruxrux doon iyo Ra,iis daalin ah

Midna kuma rabo Ninkii kuu roon

Danbi lagu raro Ribo iyo been

Loorakaad sado Xabsi lagu rido” Abwaan Gaariye.

Shakhsiyan aragatidaydu way soo dhoweynaysaa buugaasi muranka badan dhaliyey ee Hirsi qoray sababahan awgeed:

  1. Marka buug ama dhacdo aad qorayso waxa kugu waajib ah inaad sidii ilaahay kugu og yahay u qortaa, waayo qoraalku waa dhigaal haddii aad been ka qorto illaa markaad dhimato ayey beentaasi ku daba soconaysaa, hadiise run ka qorto dadkii wax ka ogaana way ku markhaati furayaan sabab loo qoriyaa meesha ma taal, haseyeeshee dadkeenu beenta iyo in wax la qariyo ayey jecel yihiin, dhacdada aad wax ka ogtahay siday u taallo waa inaad u sheegtaa haddii xiitaa aanad jeclayn waayo warku waa war uun waa adigoo maxkamad lagu hor keenay oo lagu dhaariyey oo lagu yidhi waxaad ogayd alla dartii u markhaati fur, marka hadii uu buugu dhacdooyin jira qorayo runtu waa ku waajib hadii uu mala awaal yahay waa ka duwan yahay kuwo ka hadlayno.
  2. Qodobka labaad hadii uu Xirsi taariikhdiisii shakhsiyeed uu runta ka sheegay in dhacdooyinkii siyaasadeed ee tagay ee imika sheeko uun ay tahay inuu ka run sheega waxa loo diidayo ma garanayo, hadii wakhtigii uu madaxweyne Siilaanyo joogo warkan sheegi lahaa kacdoon baa dhici lahaa inaanu sheegin wuu ku saxsan yahay balse imika waxa uu ka sheekeeyey taariikh dhacday taariikhdana lagama been sheego.
  3. Dadka dhaliilayaa waxay u jeedaan dhacdooyinka badhna qari badhna sheeg oo inta aanu taageerno hadii xiitaa khalad dhacay noo qari, waxay neceb yihiina in la qoro ayey jecel yihiin. taariikhda ama dhacdooyinka jeclow ama necbow waa waajib inaad qorto xiitaa hadii ay adiga oo qoraya kula fool xuntahay waa inaad I sdiidsiisaa oo siday tahay u qortaa.
  4. Buugan Xirsi waxa uu dadkii u horseeday in rag badan wax akhriyaan ama u holodeen inay wax qoraan mar hadii sidaas loo xiisaynayo qoraalka, buugaasi wuxuu noqday kii loogu hadal haynta badnaa inuu qof kasta akhriyo jecel yahay xiitaa dadka aan wax akhriska jeclayni.
  5. Buugaani wuxuu I baray go’aan qaadashada xirsi, waayo wuu garanayey in muran uu dhalin doono in dad badani ku dhaliili doonaan, haseyeeshee wuu u badheedhay si aanay taariikhda uu usoo joogay badhna uga tagin badhna u qorin, taas oo cadaalad daro noqon lahayd, sidaas darteed waxa uu door biday dacarna ha ka qaadhaadhaatee inay siday tahay dhacdooyinkii uu arkay u qoro oo uu ka run sheego.

 

waa Arigtaydii ee taadii maaha.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR.

Exit mobile version