WAJAALE NEWS

Booliska Jabuuti oo Gacanta Ku Dhigay Rag Ka Dambeeyay Kufsi iyo Dil Loo Gaystay Gabar Yar

Djibouti (WJN)- Booliska dalka Jabuuti ayaa gacanta kusoo dhigay rag lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kufsi iyo dil loogu gaystay dalkaasi gabadh yar oo 16 jir ah oo lagu magacaabo Mahado Daahir Shire.

Waxaana la sheegay in gabadha maydkeeda laga helay gobolka Cali Sabiix ee waddanka Jabuuti.

Eedeeysanayaasha ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ku taalla dalkaasi Jabuuti.

Xeer ilaaliyaha guud ee Jabuuti Ciid Axmed Ibraahim ayaa sheegay in baadhitanno dheer kaddib dhammaan dadka lagu tuhunsan yahay dilka gabadha lasoo qabtay.

Wuxuu sheegay in mid kamid ah dadka la qabtay uu booliska u sheegay inay iyagu kufsi , jidhdil ay u gaysteen gabadha kaddibna ay u geeriyootay dhibaatadaasi isla markaasna raggan ay ku xidheen xabsiga dhexe.

Dhacdadan ayaa fajac iyo amakaag ku reebtay shacabka ku dhaqan dalkaasi Jabuuti.

 

WAJAALENEWS DESK

DJIBOUTI OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version