Muqdisho (WJN)- Bandhigga Teknoolojiyadda iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.
Bandhiggani waa midkii ugu weynaa ee loo qabto teknoolojiyadda iyo isgaadhsiinta Soomaaliya taas oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan shirkadaha iyo hay’addaha ka shaqeeya suuqa Isgaadhsiinta iyo teknolojiyada.
Waa madal isku xidhi doonta qeybaha shirkadaha isgaarsiinta, tiknoolojiyadda iyo hal-abuuriyaasha teknoolojiyadda.
Bandhigga waa madal loo sameeyay shirkadaha adeegyada teknoolojiyadda bixiya, shirkadaha gaarka loo leeyahay, kuwa dowladda iyo guud ahaan dadka ku lugta leh teknolojiyada in ay isugu yimaadaan isla markaana abuuraan xidhiidh adag ayna u abuuraan wada shaqeyn wax ku ool ah.