WAJAALE NEWS

4 Qof oo Ka Soo Jeeda Dalka Itoobiya oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Boosaaso (WJN)- Ugu yaraan 4 ruux oo Itoobiyaan ah ayaa la diley halka qof kalena uu dhaawacmay, kaddib weerar ka dhacay xaafad ay ku badanyihiin dadka Itoobiyanka ah oo ku taalla magaalada Boosaaso.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Saantoos ee ku dhow dekedda magaalada Boosaaso, halkaas degganyihiin dad ka soo jeeda qowmiyada Oromada, lama oga in uu yahay duullaan Oromada lala beegsaday ama mid iyaga dhexdooda ah.

Warar kale oo laga helayo weerarka ayaa sheegaya dhammaan dadka ku dhintay inay ka soo jeedan qowmiyada xabashida, balse ma jirto cid wali si rasmi ah u xaqiijisay, maaddaama hay’adaha ammaanka ayna wali ka hadlin weerarkan.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay markiiba inay goobta ka baxsadeen inta aanay gaadhin ciidamadda ammaanka kuwaaso haatan baadhitaano kawada agagaarka goobta lagu dilay afartaasi nin ee kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Weerarka ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamadda amniga Puntland ay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga maalmihii u dambeeyay ay ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso.

 

Exit mobile version