WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Jaamac Shabeel oo Ku Gacan Saydhay Xilka Qaadista Lagu Sameeyay

Hargeysa (WJN)- Jaamac Ismaaciil Cige “Jaamac Shabeel” ayaa waxa uu ku gacan saydhay xilka qaadistii lagu sameeyay isagoo sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn iyo in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeedho xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan.

Jaamac Shabeel oo BBC-da u waramay ayaa wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay’dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay isaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna dib ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xidhiidha.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

 

Exit mobile version