WAJAALE NEWS

Somaliland Way Qiirootaa, Mana Kala Taqaano Nacabkeeda Iyo Nasteexeega!

Ma Aniga ayaan aheyn xaq u dirir muwaadin ah waliba oo dalkiisa iyo dadkiisa somaliland af iyo adinba u diyaar ah in uu ku difaaco, dhawr iyo toban sanadood ugu shaqaynayey qaranka tabaruc iyo wax aan dhaamin.

Lacagta Wasiirka Maaliyadda Somaliland ku bixiyey casuumada Qalbi-dhagax waxa dhaantay isaga oo aniga i siiya oo aan aqoon badan oo dalkayga aan ku anfaco aan ku soo korodhsado, ama uu ku caawiyo cusbital ama qoys dan yar ah oo reer Somaliland ah.

Reer Somaliland Caashaqa Dadka kale ayaa inagu weyn, waxa aan la yaabay qaabka aynu u buunbuunino ee intiisa u dhaafino dadka kale ee aan reer somaliland aheyn.

Qalbi-dhagax waxa uu ahaa muwaadin u dagaalamayey xuquuqda somali state, iyaga oo ay taasi jirto oo uu dulmi badan iyo tacadi haystay ayaa ay jabhadii ONLF gubtay boqolaal gaadiid ah oo muwaadiniin shicib reer Somaliland leeyihiin iyada oo ay u aanaynayaan dawlada aanu is hayno iyo Somaliland baa heshiis ah, oo Somaliland baa cadaadis nagu haysa.

Hantidii umaddan yaa loo raacayaa ee la gubay?

Qof walba waxa igala weyn qofka reer Somaliland.

Iigu mention gareeya wasiirka

 

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

 

Exit mobile version