WAJAALE NEWS

Siyaasi Cabdiraxmaan Cali Ubaxle oo Madaxweyne Muuse Biixi Uga Digay In Uu Burburiyo Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cali Ubaxle oo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu cad cadaa xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu si adag uga hadley khilaafka ka dhex aloonsan Xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Cali Ubaxle ayaa waxaa uu Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in uu dib u eegis ku sameeyo xaalada cakiran ee uu xiligan ku jiro xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cali Ubaxle ayaa waxaa uu Madaxweyne Muuse Biixi uga digay in xisbiga Kulmiye uu burburiyo islamarkaana uu ka digtoonaado in xisbiga Kulmiye uu maro wadadii uu maray xisbigii Udub.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Exit mobile version