WAJAALE NEWS

Shiinaha oo 60 Bilyan oo Dollar ugu Deeqaya Afrika

Hargeysa (WJN)- Madaxweyanaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in Afrika ay ku maalgelinayaan 60 bilyan dollar, wuxuu hadalkan sheegay xilli uu furayay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee magaalada Beijing ka socda.

Xi Jinping wuxuu difaacay barnaamijka maalgelinta Shiinaha ee Afrika islamarkaasna sheegay in mashruucyada Shiinaha uu ka fulinaya Afrika aysan ka dambeeyeen qorshayaal siyaasadeed balse ay dan ugu jirto labada dhinac.

Dadka dhaleeceeya saamaynta dhaqaale ee Shiinaha ayaa sheegaya in maalgelinta Shiinaha ay dalalka Afrika u horseedeyso culays dhanka daymaha ah.

Dalalka Afrika ayaa maalaayin lacag ah oo uu kasoo amaahday Shiinaha ku maalgeliyay mashruucyo dhowr ah.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday in maalgelinta Shiinaha ay qaaradda u horseedeyso daymo badan oo culays ku reebi karo.

Exit mobile version