WAJAALE NEWS

Shacbiga Abaarso Oo Qeylo Dhaan Ka Bixiyey Biyo La.aan Ka Jirta Deegaanka Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada.

Abaarso(W,N)-Shacbiga Ku Nool Tuulada Abaarso oo 18Km dhinaca Galbeed ka Xigta Caasimada Hargeysa, ayaa qeylo dhaan culus ka bixiyey Biyo La.aan Adag oo ka jirta Deegaankan taas, oo ay la ildarnaayeen 27kii Sano ee Somaliland jirtey.

Odoyaasha Waxgaradka iyo Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada ku nool Tuulada Abaarso oo Cabashadooda uga Waramey Warbaahinta ayaa Sheegay, in aanay nasiib u helin in Maamuladii kala Dambeeyay ee Somaliland Soo marey aanu mid kamid ahi habayaraatee Waxba uga Qabanin Adeegyadda Aasaasiga u ah Bulshada iyagoo Sigaar ah u Xusey in Maalinba maalinta ka Dambeysa ay baahida Biyo La.aanta ka jirta Deegaanku Saamayn Xoog leg ku yeelatey taas oo Wakhtigana mareysa heerkii ugu Xumaa Waxaaney Xuseen in ay Biyaha u Doontaan Dhaboolaq oo 25Km dhinaca Koonfureed kaga Beegan iyo Uudaan oo 25Km Dhinaca Waqooyi ka Xigta.

“27kii Sano ee Somaliland jirtey Abaarso oo Caasimada Somaliland ujirta 18Km Islamarkaana, ah Keydkii Istaraatijayadeed Caasimadu Waxey kaga Duwan Tahey Gobol kasta oo Somaliland ah Degmo Kasta iyo Tuulo kastaba oo ay kaga Iimaan qabtaa baahiyaha Adeegyada Aasaasiga u ah Bulshada ka hadli mayno Maanta Cusbitaal naloo dhiso ka hadli mayno Dugsiyo Sare oo naloo Sameeyo kana hadli mayno adeeg kale oo dhan Laakiin Biyo La.aanta kajirta Deegaankani oo ah Halawlaha Nolosha ayey kaga qadey Somaliland 27kaa sano Gabalkii dhaca iyo Waagii Beryaba Waxaa Soo mara Shan Boqol oo Booyadood oo Biyo kasoo Dhaamiya Dooxaa Arabsiyo iyo Dhaboolaqba kuwaas oo usoo dhaamiya Magaalada Hargeysa Booyadahaa Tiradaa lihi Magaalada Abaarso Jirikaan kuma Shubaan mana ogola Duruufa ugaar ah Awgeed kaga ugu Dhawi Wuxuu ku odhanayaa miisaanka Socodka baabuurka ayey wax u dhimaysaa, Xaqiiqdiina Foostada Biyaha ah Hargeysaa naga jaban Waayo Biyo La.aanta iyo baahidooda ayaa halkaa gaadhsiisay”Sidaa Waxa yidhi Odey Cabdiraxmaan Xuseen Cige oo Kamid ah Odoyaasha Deegaanka Abaarso.

Isagoo hadalkiisa Sii Watana Waxa uu yidhi. “Xukuumadda Somaliland kama Rabno Sadbursiimo iyo Waxaanaan Xaq u laheyn Xuquuqda Degmooyinka Gobolada iyo Tuulooyinka Dalku leeyahey, ayaanu xaq u laheyn Waxaa jirta Sabab aanu Wax kasta ku Weynay taas oo ah Maamulka aanu hoos tagno ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo Sabab u noqdey in aanu Guud ahaanba ka qadno Adeegyadii Aasaasiga u ahaa Bulshada oo Nagu kalifeysa in aanu ka mid Noqono oo Ku biirno Degmooyinka nagu dhaw ee Faraweyne,Arabsiyo iyo Daarasalaam Caasimada Hargeysa Waxa la isticmaalaa oo Goluhu Isticmaalaa Malaayiin Dollar Waana Sababta Maamulka Golaha Deegaanku uu Mitirka Dheer ee lagu Qorshaynayo Dhulka hareeraha ka ah Abaarso in ay U hanqal taagaan oo qorsheystaan Beeraha ay Dhulka ka Rabaan iyagoo Magaalada Nidaamkii Twon-plane u Samayn kari Waayay Maalin qudhana maanaan Arag Maayarka Caasimada (Cabdiraxmaan-Soltelco), iyo Golihiisa Deegaanka oo ka hadlaya Duruufaha kajira Deegaanka Abaarso Biyo La.aantu ha ugu sii darnaatee, Xataa Wali majirto Qorshe iyo Cid u kuur gashey oo Xogwareysatey Shacabka Tirada badan ee halkan ku nool ee biyo la.aantu hayso Noloshii ayaa is badeshay dadka Xoolihii Wey ka baxeen Magaalo ayaa kusoo durugtey majiro Gaadiidkii lagaga Soo dhaansan jirey Awal Dhaboolaq iyo Uudaan Hooyooyinka ayaa dhabarka kaga Soo qaada Biyaha”Ayuu yidhi Cabdi Xuseen Cige.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in Abaarso oo Kastam Kuyaalo Islamarkaana, Istaraatiji u ah Kumanaanka Ganacsato ee Kasoo Jeeda Beesha Sacad Muuse ee Badhkood Milyaneerka yihiin aaney Waxba u Sheeganeynin Mustaqbalna aaney ka laheyn haseyeeshee, ay Siweyn ugu mahad Celinayaan Mulkiilaha Huteelka Qiimaha leh ka Dhistey kana furtey Deegaanka Abaarso iyo Waliba Maamulka Jaamacada Boodhinka ah ee Abaarso-Tech oo iyaguna Magac usoo Kordhiyey.

“Xukuumadda Waxaanu ka Codsaneynaa in nalaga hoos Saaro Maamulka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo Nalaku Darro Labada Gobol mid ahaan Gobolkaa Gabiley ee Degmada Arabsiyo, ama labada Degmo ee Faraweyne iyo Daarasalaam si aanu Gobolka Gabiley iyo Gobolka Maroodi Jeex mid uga mid Noqono Laakiin aanu uga Madaxbanaanaano Maamulka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, oo Dhul ay mitirsanayaan ka door Bidey Wixii aanu Xaq iyo Xuquuqba ka Filaynay”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaa ku Darey hadalkiisa in Golaha Deegaanka Caasimadu ay dhul doon kaliya ki yimaadaan laakiin aaney dal iyo Dad midna dan ka laheyn Waxa kale oo uu Xusey in aaney Rug iyo Saldhig Booliis midna laheyn isagoo Carabka ku Dhuftey in uu ku yaalo Kastamka Baadhista u ah Cashuuraha ee Wasaarada Maaliyadu laakiin Xataa aaney Waxba ku qabin.

Gabagabadii hadalkiisa Waxa uu baaq dheer u direy Ganacsatada  oo uu ku Sheegay in Mid Waliba Mustaqbalka ka Doonayo Dhul ama Bakhaaro Waaweyn.oo uu Keyd ka Dhigto laakiin ay Sugayaan Inta Dhulka la qaaliyeynayo Kuwaas oo ka indho-La.a sida uu hadalkiisa u dhigay inta uu gartey Mulkiilaha Huteelka Weyn ka Dhistey Duleedka Bari ee Abaarso.

Abaarso ayaa 18Km dhinaca Galbeed ka Xigta Caasimada Hargeysa iyadoo ah Magaalo.Kooban oo Qadiim ah haseyeeshee, aaney marna daneynin Dadka kasoo jeeda iyo Maamulka ay hoos tagaan ee Golaha Deegaanka Caasimada hargeysa.

 

Exit mobile version