WAJAALE NEWS

Sababta Soomaalidu Da’da U Neceb Yihiin Maxay Tahay ?Qalinkii; Barkhad Cumar

Soomaalidu waa dad Da’da alla gaadhsiiyey neceb, mar walba intay jiraan waxbay ka dhimaan inay da’dooda dhabta ah sheegtaana way neceb yihiin.

Daraasad aan sameeyey ayaan ku ogaaday inay tahay sababta ay u qariyaan Da’da ay jireen inay tahay Da’doodda iyo wax u qabsoomay ayaan is lahayn oo kala badan, inta ka khasartay nolosha iyo Da’doodu isma laha, hadii ay Da’dooda ay jireen naftooda u sheegaan waxa imanaysa isla xisaabtan iyo su’aalo badan, maxaad intaas oo wakhti ku lumisay, waxa ku qabsoomay naftaada, maxaad ku lumisay, intaad jirtay iyo waxaad qabsatay ma isku dhow yihiin, waxaas oo su’aalood naftooda ma waydiin karaan waxa xal ah inay qariyaan, naftoodana beenta u sheegaan si ay isku diidsiyaan intay jiraan.

Tusaale kale 24 saacadood ee maanta ka soo wareegtay intee ayaad ilaahay xustay, miyaad ilowday inaad adoon Alla tahay oo lagu abuurey cibaado, ma is leeyihiin wakhtiga aad haysato iyo inta ilaahay xuskiisa ama cibaadadiisa galisay , 24 saacadood intee baad wardiday, ilaahay bariday, quraan akhrisatay, masajid ku jirtay iyo inta ka luntay iyama badan, mar walba qofka soomaaliga inta uu wakhtiga dayacay baa badan, sidaas darteed way adag tahay inay runta qaabilaan.

Mar walba inta ay jiraan iyo yoolkay rabaan inay gaadhaan cir iyo dhul bay isku jiraan, mana jecla inay naftooda la xisaabtamaan, marka aad yarayd maskaxdaada waxaad ku sawiran jirtay inaad halkaasi gaadho, ma rumayday wixii yaraantii aad dooni jirtay inaad gaadho ma gaadhay, way yar tahay qof yaraantii wuuxu ku hami jirey gaadhay, hadii aad is waydiiso maxaa ka hortaagan waxay ku soo noqonaysa isla adiga, marka soomaalidu waxay diidaan inay runta u sheegaan naftoodda, hadii su’aalo badan Is waydiiyaan waxa iminaysa tashuush iyo walaac wakhtiga ku soo maray ee aanad ka faa’iidaysan, marka waa inaad runta ka beedh beedha si aanay maskaxdu tashuush u galin ama u mashquulin.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo labaduba markay kursiga madaxweynaha fuuleen ayey gaadhka daysteen sababtu waa waxay gaadheen yoolkoodii ugu sareeyey, intii ay xiiri jireen nafta waxay u sheegayeen inay dhalinyaro yihiin oo wali wakhti badan u hadhsan tahay, hadii ay gadhka ciradda leh siidayn lahaayeen waxay isku arki lahaayeen inay oday yihiin ka dibna way niyad jabi lahaayeen waa siday iyagu aaminsanaayeen, hadda ayey laabta usiidaayeen inay oday yihiin ,sababta aroor kasta makiinad gadhka ula daba joogeen waa inay isku arkaan inay wali dhalinyaro yihiin, haseyeeshee markii ay halkii ugu saraysay yimaadeen ee ay kursigii ku hubsadeen ayey naftii runta u sheegeen oo ay aqbaleen da’doodii markaasay waliba ciradii ((timihii cadaa ee gaadhka) ee ay qarin jireen ee gadhka daayeen waayo meel ka saraysa oo ay u socdaan ma jiraan, haday ogaadeen inay oday noqdeen.

Soomaali iyo Da’doodana maxa kala haysta.

Qalinkii; Barkhad ladiif Cumar.

Exit mobile version