WAJAALE NEWS

Faa’iidooyinka Maalgashiga Caalamiga Ah

Sida aynu ka warqabno waxaa wadanka ingiriiska lagu qabtay shir lagaga arinsanayo dhiiri-galinta Maal gashiga caalamiga ah, shirkaas oo ay qabanayso shirkad ganacsi oo magaceeda la yidhaa Developing Market Association  kaas oo ay ka  qayb galeen wafti  balaadhan oo isagu jirta ganacsato iyo madaxkale oo  uu hogaaminayo Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaaliland.

waxa lagu falanqeeyey shirkaas sidii loo dhiiri-galin lahaa in maalgashi lagu sameeyo khayraadka dihin ee dalkeena loona yareeyo  lacagaha caawimada ah ee la siiyo dalkeena.

taas ayaa ah mawduuca aan halkan kaga hadli doono oo ku wajahan faa’iidooyin intee leeg ayuu leeyahay maalgashiga caalamiga ahi ,muxuuse ka tari karaa dalkeena haddii lagu sameeyo maalgashi caalami ah oo taabanaya dhinacyada kala duwan ee khayraadka dhulkeena.

ugu horayn maalgashiga caalamiga ahi

waxa uu faa’iida u leeyahay dadka samaynaya maalgashiga iyo kuwa dhulkooda lagu samaynayo labadaba. shirkada samaynaysa maalgashiga waxay faa’iido ka helaysaa in ay yarayso khataraha ku imankara shirkadeeda iyo innay eegato  sida ugu sahlan ee ay lacagta ay maalgashiga ku samaysay ugu soo noqon karto iyadoo helaysa faa’iido dagdaga kuna helaysa khatar yar. dalka maalgashiga lagu samayno waxa uu ka faa’iidaysan doonaa shaqo abuur ay helaan dhalintiisu, xirfado badan dhinacyada Technology-da , maamulka , habka loo sameeyo dhaqaalo kobcinta iyagoo dalkana ay soo gali doonto lacagaha ay ka dheefaan oo taasina wax ka tari doonto dhaqaalaha iyo koboca dalka.

dawladdu waxay ka dheefi doontaa cashuur laga qaado shirkadaha maalgashiga samaynaya taas oo wax wayn ka tari doonta dhaqaalaha dalka korna u qaadi doonta dakhliga dalka soo gala.

shirkada dalka ka jira waxay heli doonaan meel laga hago oo ay kaga daydaan markay arkaan maalgashiga dalka lagu samaynayo waxa la dhiiri-galin doonaa iyaga laftirkooda oo samayndoona maalgashi ay ku samaynayaa dalkooda iyagoo ka faa’iidaysanay shirkadaha waawayn ee maalgashiga samayna.

waxa laga dheefi doonaa innay dalka soo gasho lacag deg deg ah   taas oo sabab u noqonaysa in ganacsatada yar yar ee dalku kor usoo kacaan oo ay iyaguna sameeyaan maalgashi.

maalgashiga caalamiga ah ee lagu sameeyo khayraadka dalka sida Beeraha iyo khayraadka ku jira badaha waxay horseed u noqon kartaa in dalkeenu si fudud ugu gudbo in uu abuuro warshado lagu farsameeyo khayraadka kasoo baxaya Beeraha iyo badaha kuwaas oo laga maarmaan u ah in dalku samaysan karo warshado haddii la horomariyo.

 

Abdikadir Barawani

a.barawani10@gmail.com

Exit mobile version