WAJAALE NEWS

Qof waxa ugu liita ka dadkiisa colaad iyo dhib aaney kari karin ugu baaqa..W/Q Maxamed Hagi

Qof waxa ugu liita ka dadkiisa colaad iyo dhib aaney kari karin ugu baaqa, haddana ay hubanti tahay in uu carari marka colaaddii uu ku baaqayey soo cago dhigato! Nimaan nabad iyo walaalnimo waxba ka tari karin, colaadna waxba ka tari maayo.

Soomaali meel ay joogto waxa keliya ee ay waayo-arag ku tahay waa balanbal iyo riiqda colaad sokeeye oo ay nacasnimo baajin wayday, iyada oo wax ku kallifi karaa yar yahay.

Haddii la gu heli karo wax wal oo la rabo nabad iyo walaalnimo, ma mudna yeedhmada colaad keensan karta tacabbeel iyo faro-madhnaan dad, dal iyo duunyo ka joog ahi.

Wax markhaati leh ayaa jira; waana in Nabadda la gu helo horumar iyo nolol wanaagsan. Halka colaad dhaxalkeedu yahay siqiirista maal iyo mood ay weheliso dadnimo-ka-bax qayr ka hadh ahi. Jimce wanaagsan.

Mohamed Hagi Mohamoud

 

Exit mobile version