WAJAALE NEWS

Madaxweyne Baroori Midaynmayso Bulshada ! W/Q: Maxamed Siddiiq Dhamme.

Abaabulka colaadda hor leh oo madaxweynaheennu wadaa waa jeedin iyo marin habbaabin uu bulshada dhankaa isugu abaabulaayo, waxase ka habboon

Madaxweynaheenni geesiga ahaa, halgamaagii miiganaa, mujaahidkii weynaa, musharraxii go’aanka lahaa, beryahan baqe iyo basbasbaa lagasoo taagay. Kulanadiisi iyo shirarkiisi saaxafaddu waxay u bateen Xamar, hadda waa dawladnimada labada xaafadood dammaanad qaadi weyday waxa sidaas uu uga warraaqaya, mase ogayn Madaxweynayaal talada uga horreyay in ay jireen oo Xamarna itaalkeed uunayd aanayse jirin kardhashadan innagu cusub ee la kawsatay hoggaaminta mujahidka.
Waa laba mid uun guubaabada igo guluf heensaynta Madaxweynaheenu innagu dhiirinayaa, in uu yaqiinsaday rejo la’aanta iyo mustaqbalka soo ootay ee ummadda horyaal, inuu guddoonsaday kala tagga iyo sii liicitaanka midnimadii dharaaro xooganayd ee ay wiiqday qabyaaladda, isbahaysiga iyo hagbadaynta aan lanmahadin.

Labada qodobba kabash-kabashata in ay ugu wacan yihiin ayaan filayaa Mujaahidka.
Abaabulka colaadda hor leh oo madaxweynaheennu wadaa waa jeedin iyo marin habbaabin uu bulshada dhankaa isugu abaabulaayo, waxase ka habboon in ummadda lagu abaabulo horumar iyo danahooda kale qabyada ah. Carrigan waxa leh cidda ku uumman ee Eebbe ku alkumay, innamada Xamar waxay xaq u leeyihiin halka ay ku beeranyihiin ee ay degen yihiin taladeeda iyo toosinteeda habboon.
Marra-waaxid madaxweyne sheekada Xamar soo dhaaf, nolol ka dheer iyo mustaqbal ummadeed oo aad tunka saarataa ku sugayaa, waxa ku sugaysa qabyo qaran oo aad qayb ka ahayd kala qubkeeda sidii loo hagaajin lahaa. Colaadaha ku weyn maankaaga horumar iyo himilo shacab noogu bedel. Shanta sano ee lagu dhaarshay ka-kacaay iyo Xamarba innagu duilaan ah yaanay kaaga idlaan.
Ololihii wuxuu ku idlaaday sidii uu af-labadii madaxweynuhu ula taagnaa fagaare kasta Xamarbaa layna geynayaa, Waddaniba ummadda ku wada Xamar, bulshada qayba Xamar doona. Sidii aad rabtay go’aankii noqay oo taladii adaa maanta haya cajalada Xamar sannado badan ayay kuu daarayd, bal naga bedel oo cajaladda midnimada iyo horumarka noo daar, haddi aanad aragti iyo hoggaamin inta ka ballaadhan hayna ummada ha lugoyn !
W/Q: Maxamed Siddiiq Dhamme
***Halkan waxad nagula wadaagi kartaa fikirkaaga arigtaada qodobada aad isleedahay bulshada ayay faaiido ugu jirtaa ama madaxda ayaa ay tilaamayaan***

Exit mobile version